Maxaad Ka Taqaan 10-Ka Magaalo Ee Dunida Ugu Faca Weyn, Magacyadooda, Taariikhdooda Iyo Goorta La Dhisay

0
83
Lawadaag Asxaabta...

Wargeyska The Telegraph ee Ingiriiska kasoo baxa ayaa wax ka qoray magaalooyinka dunida ugu faca weyn ee willi dhisan qaarkoodna loo dalxiis tago. Warbixinta wargeysku qoray waxaa uu si gaar ah diiradda ugu saaray magaalooyin dhisan muddo qarniyo ah oo illaa hadda la degen yahay. Magaaladda koowaad wargeysku waxaa uu ku sheegay magaalada Qudus ee Caasimadda wadanka Falastiin. Magaaladaan wargaysku waxaa uu sheegay in la dhisay 2,800 oo sano ka hor dhalashadii Nabi Ciise CS.

Magaaladda Qudus oo ka mid ah magaalooyinka barakaysan waxaa ku yaala masjidka Al-Aqsa oo taariikh fog ku leh dadka Muslimiinta ee dunnida ku nool. Taariikhyahanadu waxay sheegayaan in magaaladan ay ka dhaceen illaa iyo 52 duulaan oo lagu qaaday intii ay dhisanayd 2 marna dagaal ayay ku bur burtay.  Magaaladda labaad waxaa la yiraahdaa Tyre waxaana ay ku taallaa dalka Lubnan. Magaaladan waxaa la aaminsanyahay in la dhisay 2,750 sanno ka hor dhalashadii Nabi Ciise CS isla xilligaas ayaana la degay. Hay’adda UNESCO ee QM waxaa ay sheegtay in magaaladani ay mar ahaan jirtay magaalo uu dhaqaalo badani kasoo galo dawladdii Roomaanka waxaana ay ahayd magaalo warshado leh.

Magaalada Sadexaad ee dunnida ugu faca weyn marka laga hadlayo 10ka magaalo ee dunnida ugu qadiimisan waa magaalada Arbil oo ku taalla dalka Ciraaq. Magaalada Arbil oo waqooyiga Ciraaq ku taalla waxaa la dhisay 2,300 oo sano ka hor dhalashadii Nabi Ciise CS. Magaaladan waxaa ka taliyay dawlado kala duwanaa oo gobolka soo maray waana magaalo muhiim u ah ganacsiga marka loo eego ganacsiga gobolka. Magaaladda Arbil dadka Juquraafiga ku takhasusay waxay ku sheegaan inay tahay magaalo cimilo ahaan aad u wanaagsan waxaana ay heerka badda ka sareysaa 26 mitir.

Booska Afaraad waxaa ku jira magaalada Kirkuk oo ku taala waqooyiga Ciraaq. Magaaladan oo qiyaastii 150 mile dhanka waqooyi ka xigta caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad waxaa la dhisay oo la degay 2,200 oo sano ka hor dhalashadii Nabi Ciise CS. Magaaladan oo dhul muhiim ah ku taala waxay muddo sannado ah xarun u ahayd dawladdii la odhan jiray Assarian dadkuna waxayba sheegaan in magaaladani ay hadda dhisan tahay muddo 5,000 oo sano ka badan. Magaalada 5,aad waa magaalada la yidhaahdo Balkh oo ku taalla dalka Afghanistan waxaana la aas aasay 1,500 oo sano ka hor dhalashadii Nabi Ciise CS. Magaaladan oo ku taalla waqooyiga Afghanistan waxaa mararka qaar loogu yeedhaa magaalada hooyadda dhulka Carbeed oo ay ku qaadatay inay xarun u aheyd ganacsiga dhulka Carabta laga qaado. Giriigii hore magaaladaan waxay ugu yeedhi jireen magaca Bagra. Hadda waxay ka mid tahay magaalooyinka loo dalxiis tago waxaana ku yaalla warshado yar yar oo suufka ama cudbiga soo saara.

Magaaladda 6,aad ee dunnida ugu weyn waa magaalada Athens ee caasimada dalka Giriiga. Magaaladan oo lagu tilmaamo halka ay ka bilaabantay ilbaxnimada reer galbeedka iyo dimuqraadiyadda waxa la aas aasay 1,400 oo sano ka hor dhalashadii Nabi Ciise CS. Illaa hadda magaalada Athens waxaa laga helaa calaamado taariikhi ah oo ay ka tageen Gariigii hore iyo dawladihii ka dambeeyayba waana magaalo aad loogu dalxiiso xilligan. Kaalinta 7,aad waxaa ku jirta magaalada Larnaca oo ku taalla Jasiiradda Cyprus. Magaaladaan oo ah magaalo xeebeed waxaa la degay 1,400 oo sano oo sano ka hor dhalashadii Nabi Ciise CS.

Waa magaalo ay ku yaalla geedo qurux badan iyo dhismooyin aad loo xardhay oo illa hadda soo jiita indhaha dadka u dalxiis taga. Magaalada Sideedaad waa magaalada Thebes waxayna ku taallaa dalka Gariiga. Magaaladan oo la degay 1.400 oo sano ka hor dhalashadii Nabi Ciise CS. Waxaa la sheegaa inay xudun u ahayd dulaankii dawladdii Persia ku qaaday dalka Gariiga sannadkii 480 oo sano ka hor dhalashadii Nabi Ciise CS.

Magaalada 9aad ee dunnida ugu weyn waxaa la yidhaahdaa Cadiz oo ku taalla dalka Spain. Magaaladan waxaa la aas aasay lana degay 1,100 oo sano ka hor dhalashadii Nabi Ciise CS. Magaaladan oo ku taalla xeebta badda Atlanticada laga soo bilaabo illaa qarnigii 18aad waxay saldhig weyn u tahay ciidamada badda dalka Spain. Magaalada ugu da’da weyn waxaa la yidhaahdaa Varnasi waxaana ay ku taallaa dalka Hindiya. Magaaladan waxaa la dhisay 1,000 oo sano ka hor dhalashadii Nabi Ciise CS. Magaaladaan oo saaraan wabiga Ganges dadka qaarkiis waxay ku tilmaameen magaalo ka weyn dhaqanka, iyo taariikhda Hindida.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here