Maxaa Sababa Khilaafaadka Xisbiyada Siyaasada Ee Dunida Saddexaad?: Cabdilaahi Beershiya

0
173
Lawadaag Asxaabta...

Marar badan ayeynu maqalnaa burbur hoose amma kala jab ku dhaca xubnaha uu ka kooban yahay xisbi, taas oo inagu sababta in aynu si dhab ah u qeexi wayno sababta rasmiga ah ee ka dambeysa kala jabkaasi. Xeer  hoosaadka yar ee ku qoran waraaqaha kooban  ee xisbi leeyahay ayey dadka qaar dusha ka saaraan inuu sabab u yahay kala jabka axsaabta laakiin sida ay khubarada wax ka qora axsaabta siyaasadeed sheegeen waxa qayb weyn ka ah inuu khilaaf ku yimmaado xisbi nolol maalimeedkiisa rasmiga  ah ee uu xisbigu ku sugan yahay.

Qaab dhismeedka shaqo ee joogtada ah ayaa xisbiga ka dhiga mid u nuqul khilaafaadka amma ka saara dhibaatooyinka soo dhex gala, haddii aynu si kale u dhigno waxayaabaha khilaafka xisbiga nuqgleeya amma soo dedejiya waxa ka mid ah: xidhiidhka ka dhexeeya xubnaha xisbiga, wacyiga guud ee qofka ka tirsan xisbiga oo hooseeya, aqoonta  xubhana xisbiga, noociyada bulshada uu ka dhex jiro xisbigu iyo xaalada wadanka ee guud. Haddii dhinaca kale  laga fiiriyo waxa khilaafadka xisbiyada sababa; taariikhda xisbiyada wadan leeyahay soo mareen tusaale ahaan immisa jeer ayey khilaafaad noocan ah ka dhex dheceen, dadka xisbiyada ku jira laftoodu sida ay u fahansan yihiin noocyada khilaafka iyo xallintooda, iyo waliba natiijaada ka dhalatay khilafaadka taariikheed siddee looga faa’iideystay.

Marka aynu doonayno in aynu qiimeyno khilaafaadka noocaas ah waxa fiican in aynu ka dheeraano caadifada iyo qiimeynta gaaban ee ku soo ururta taageerida amma mucaaridada hal qof amma koox ka tirsan xisbiga  inaga oo eeganayna khilaafka dhacay maxaa sababay ma mid salka ku haya arrimo fikir baa, ma mid maamul baa mise waa mid ku dhisan dano gaar ah oo xisbigu dhibane u noqday.

Si aynu arrimaha noocaas ah u fahano waa in aynu marka kowaadba qiimaynaa xidhiidha ka dhexeeya xubnaha xisbigu nooca u yahay, go’aanada ay gaadheen waa kuwo dhinecee u soocda, ma yihiin se qaar cadaalad ah oo dhinaca daacadnimada u dhow iyo su’aalo la mid ah.

Hadduu xisbigu yahay mid shaqadiisa maalinlaha ah si wanaagsan u socoto siyaasada wadanku siday doonto ha ahaatee waxa u si ilbaxnimo leh u dhaafi karaa khilaafaadka soo dhex gala laakiin haddii u yahay mid muuqda amma la arko oo keliya  xilliyada arrimo siyaasaded wadanka ka soo cusbonaadaan waxa dhacaysa inay si fudud iskugu dhacaan xubnihiisu oo had iyo jeer la arko xubno waaweyn oo ka dareeraya xisbiga.

Marka arrimhaas laga yimmaado waxa ay khubarada falanqeeya xisbiyadu sheegaan in khilaafaadka xisbiyada siyaasadu ka curtaan meelo ay ka mid yihiin:

duruufta siyaasadeed ee dalku marayo oo door weyn ka ciyaarta burburka iyo khilaafaadka xisbiyada.

Qaabkii ay u soo barbaareen hoggaanka xisbiyadu oo haddii in uun ay ku lug leeyihiin aragtidii hanti wadaag keenta xukun maroorsi iyo isku dhac joogta ah oo an dhammaan.

Dimuqradiyada oo ku liidata xisbiga dhexdiisa iyo xubnaha xisbiga oo taag gaaban oo gebigooduba ku urursan maslaxo shakhsi oo aad u liita.

Xubnaha waaweyn ee xisbiga amma kaadirada xisbiga oo aan qiimeyn weyn la siin si fududna loo caydhin karo.

Xisbiga oo hanti lagu maamulo halkii mabaadi iyo aragti lagu maamuli lahaa.

Horu socod la’aan dhinaca aqoonta ah oo xubnaha xisbigu leeyihiin

Maxaa lagaga bixi karaa khilaafadkaas?

-Aqoonta xisbinimmada oo la kobciyo

-Afkaarta xisbiga lagu maamulayo oo horusocod lagu sameeyo.

-Hantida xisbiga oo si habsami ah loo maareeyo.

-Fikirka qadiimka ah ee xisbiga oo si aayar aayar ah looga guuro iyada oo la ogolaanayo dhiig cusub oo xisbiga ku soo biira.

-Darasad joogto ah oo lagu sameeyo sababaha dhaliya khilaafka xisbiga.

-Ugu dambayn qoraalkani waa mid kooban oo aan akhristayaasha kula wadaagayo waxyaabaha laga qoray xisbiyada ka jira dunida saddexaad  iyo waxyaabaha keena khilafkooda oo inta badan ku dambeeya xisbiyo burbura io dadka oo aad uga niyad jaba ka qayb qaadashada siyaasada wadamadooda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here