Maxaa Ku Cusub Tiknoolajiyada?- Sida Lacag Looga Sameeyo Barta Instagram!

0
102
Lawadaag Asxaabta...

Alaadda ay bulshadu sawirrada iskula wadaagto ee Instagram, oo ay leedahay shirkadda Facebook ayaa daaqad macaash badan u noqday dadka hal abuurka ganacsiga yaryar la yimid. Haddaba maxay tahay sirta ka dambaysa guushan?

Markii ay shirkada Facebook ku iibsanaysay Aalada Instagram 1 bilyan oo doolar sanaddii 2012 ayaa waxa isha lagu hayay lacagta badan ee lagu iibsaday Aaladan jirtay xiligaasi 18 bilood oo kali ah.

Sannadihii ugu dambeeyey ayaa Aalda Instagram waxa ay soo jiidatay macaamiil badan islamarkana imika waxa isticmaala 700 oo milyan,waxa ayna dhaaftay Aaladaha Twitter iyo Snapchat.

Xilli ay sii kordhayso tirada sawirada la soo galiyo bartan taasi oo dadka isticmaala u suuragalinaysa in ay galiyaan muuqaalo gaaban oo ku jiraya 24 saacadood ayaa waxa ka faaidaystay dad badan.

Waxaa ka faaidaysa dadka iskood u shaqaysta iyo ururada yaryar ee doonaya in ay helaan macaamiil cusub.

Su’aashu waxa ay tahay ,qaabkee u adeegsanaysaa si lacag aad uga samayso?

“Aalada Instagram ayaa la mid ah albaabka dukaankaada,”ayay tiri Donna McCulloch, oo ah gabar xayiisiisa dharka.

“Dadka hadda wax ka danbeeya kuma waydiinayaan kaarka uu ku qoran yahay cinwaanka ganacsigaaga-taa badalkeedana waxa ay ku waydiinayaan magaca aad ku soo gasho Instagram”.ayay tiri McCulloch.

Cat Meffan oo ah macalin jimicsiga dadka barta ayaa sheegtay in sawirada noocyada kala duwan ee jimicsiga ay samayso ay galiso barta Instagram si ay ugu dhiirigaliso 77,000 ee saaxibada kula ah bartaasi.

Balse sidoo kale waxa ay bartan gacan ka siisay in ay ku hormariso ganacsigeeda.

“Ganacsigeygii ugu horeeyay ee jimicsiga waxaaan ku sameeyay Instagram oo waxa aan muuqaalka galiyay bartaasi Instagram ,”ayay tiri Cat

“Aaad Ayaan ugu farxay ,waana taa awooda barta Instagram.”ayay intaa ku dartay.

Cat ayaa sheegtay in ilaa saacad ku qaadato xarxardhida qoraalka ay raacinayso sawirka ,waqtigaasi oo ka badan waqtiga kooban ee ay sawirka ku qaado.

Si la mid ah Donna, Cat ayaa mararka qaar waxa ay sawirkeeda ku dartaa calaamadda loo yaqaano (Haashtaag#.)

“Waa qaabka ugu wanaagsan ee aad ku heli karto dadka kula fikirka ah,” ayay tiri Cat.

Hadaba si uu qofka lacag uga sameeyo barta Instagram ayaa waxa uu baahan yahay in la helo saaxibo badan oo ku xiran cinwaankiisa.

Madaxa shirkadda Instagram u qaabilsan ganacsiyada yaryar Yurub,bariga dhexe iyo Afrika Jen Ronan ayaa sheegtay in qofka laga doonayo in uu toos u abaaro hadafka iyo fariinta uu doonayo in uu gudbiyo.

Sidoo kale waxa ay digtay in haddii mowdiicyo kala duwan uu qof soo dhigo bartiisa ay dadka ku wareerayaan hadafka iyo u jeedada uu doonayo..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here