Maxaa ka jira in Xukuumaddu Gunnadii Ka Jartay Siyaasi Maxamed Cali Yuusuf Maydhax Oo Ahaa Siyaasiyiintii Kaalinta Wayn Ka Soo Qaatay Dhismaha Qaranka

0
104
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa (Foore)- Siyaasi Maxamed Cali Yuusuf Maydhax oo ahaa wasiir-kuxigeenkii wasaarada gaashaandhiga ee xukumadihii Maxamed Xaaji ibraahim cigaal iyo madaxwayne Daahir riyaale kaahin isla markaana xilkaasi hayey laga soo bilaabo sanadkii 1996kii ilaa 2006-dii, mudadaa wixii ka dambeeyey mr maydhax waxa uu ka mid ahaa shakhsiyaadka xukumadihii hore ay u hayeen ixtiraam iyo qadarinta,waxaana lagu tilaamaa inuu ka mid yahay siyaasiyiinta magaca ku leh bulshada dhexdeeda,sidoo kale qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa tilmaama inuu ahaa wakhtigii uu xilka hayey dadka ka fog musuqa iyo lunsiga hantida qaranka
Hadaba markii xilkaasi uu ka qaaday madaxwayne Daahir riyaale waxa isla xukumadaasi ay u samaysay lacag guno ah oo ay ugu tallo gashay,inuu qaranka ku yeesho, sidoo kale xukumadii madaxwayne Siilaanyo, waxba kamay badalin.
Xukumada Madaxwayne Muuse biixi Cabdi ayaa markii ay talada dalka la wareegtay waxay qaaday talaabooyin ay ku jartay gunooyin ay siin jireen xukumadihii ka horeeyey rag siyaasiyiin ah oo uu ka mid yahay mudane Maxamed Cali Yuusuf Maydhax.
Isla markaana mudadaa lixda bilood ah ee madaxwayne muuse ka talinayey dalka in mudane maydhax uu ka mid yahay dadkii laga jaray gunadii ay qaadan jireen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here