Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqo Galinta Iyo Arrimaha Bulshada Oo Wali Ku Hawlan Kulamo Xidhiidh Ah Iyo Deeqihii Ay Dadka Gaadhsiinayeen

0
112
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, June 4, 2018- (Foore)- Masuuliyiinta ugu sarraysa Wasaaradda Shaqo-galinta iyo Arrimaha Bulshada Somaliland oo shalay xafiiskooda ku qabtay kulan ballaadhan oo ay la lahaayeen Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah ee Wasaaradda kala shaqeeya gurmadka xaaladda Duufaantii Sagar ee waxyeelaysay shacabka reer Somaliland ayaa barxadda Wasaaradda waxa ay markii labaad oo xidhiidh ah saacado kooban ku soo ban dhigeen deeqo kala duwan oo isugu jira dhar, cuno iyo maacuun kaleba kuwaasi oo ay u direen deegaamada dhibaatada ugu ba’ani ku habsatay iyada oo dorraad uun ay sidan oo kale deeqo miisaan leh wasaaraddu u dirtay deegaamada dhibtu ka dhacday.

Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marwo Hinda Jaamac Gaani oo shirkan ka hadashay ayaa waxa ay tidhi: “Shirka aannu maanta yeelanay waxa uu ahaa laba arrimood. Midi waa kulankeennii caadiga ahaa ee aynu isaga xog waraysan jirnay xaaladda bani aadamnimo ee dalkeena ka taagan iyo ujeedada kale oo ah in aynu isu keeno gurmadkii iyo damqashadii aynu dadkeena tabaalaysan ugu gargaaraynay. Waad la socotaan xaaladda deegaamada duufaantu haleeshay ka taagan. Dhulkii ayaa go’ay xoolihii iyo beerihiina way baxeen. Waxa ay isu badaleen lama degaan. Waxa aynu ku dadaali doonaa in aan dadaalkaasi aan wadno sii laban laabno annaga oo kaashanayna hay’adaha aanu wada shaqaynta leenahay ee caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba” ayay tidhi Marwo Hinda Wasiirka Shaqo galinta iyo Arrimaha Qoysku.

Dhinaca kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Md. Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay dadaalkooda ka wasaarad ahaan laban labaadeen kulankanina yahay mid kale oo ay gargaar dadkooda tabaalaysan ugu gaadhsiinayaan iyaga oo adeegsanaya daneeyayaasha arrimaha bani aadamnimo ee Somaliland ee ay wada shaqaynta leeyihiin. Agaasime Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Halkan maanta waxa aannu alaab deeq ah kagala wareegaynaa Dhallinyarada Jaamacadda Golis. Waxa ay keeneen alaab deeq ah iyaga oo isa soo xilqaamay. Waxa kale oo aanu deeq ka guddoomaynaa shaqaalaha Wasaaraddayada oo iyana alaab soo ururiyey. Dr. Abiib oo isna halkan jooga oo deeq kabo ah ugu deeqay dadkeena tabaalaysan. Nin Jimcaale la yidhaa oo aannu saaxiibbo nahay oo madax ka ah hay’adda dhinaca ammaanka ee PRS madax ka ah, kaasi oo isna lacag Kun dollar ah noo soo diray. Deeqdaasi lacagta ah ee muwaadinkaasi noo soo diray waxa aannu soo siinnay Baco iyo dharka dadku xidhaan oo bundaad ah. Ilaahay haka abaal mariyo Jimcaale. Haddii aan u soo noqdo kulankii maanta hay’adaha aanu wada shaqayno waxa aannu ka wada hadalnay waftigii aannu hore u dirnay maalintii dhawayd warbixintoodii iyo sidii warbixinadii kale la isugu dubba ridi lahaa”. Ayuu yidhi Agaasime Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase).

Agaasimaha Shaqo Galinta iyo Arrimaha Bulshada Mudane Maxamed Cilmi Aadan waxa uu dhexda u xidhay sidii loo midayn lahaa deeqaha dadka muwaadiniinta ahi soo ururinayaan isaga oo maalin walba u taagan sidii ay kulamo ugu qaban lahaayeen dadka ka arrinsanaya sidii gurmadka loo gaadhsiin lahaa dadkeena sidoo kalena wixii ay dadku bixiyaan ka guddooma si Wasaaraddu inta ay tiimam u dirto deegaamada dhibtu ku dhacday loo gaadhsiiyo deeqaha ay dadkoodu ugu tabarucayaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here