Masuul Madaxtooyada Somaliland Iska Casilay, Sheegayna Inuu Kala Kulmay Nidaam-daro Iyo Jaho- Wareer Dhinaca Shaqada Ah, + Talo Uu Siinayo M/weynaha

0
145
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, Aug 09, 2018- (Foore)- Masuul ka tirsanaa Shaqaalaha Sare ee Madaxtooyadda Somaliland ayaa shalay si rasmi ah iskaga casilay Shaqadii uu Madaxtooyadda ka hayay waxaana uu Warbaahinta u sheegay waxyaabaha ku kalifay inuu iska Casilo shaqadii uu Madaxtooyadda ka hayay,isagoo si gaar ah u carabaabay duruufo adag oo la soo gudboonaaday oo ku saabsan dhinaca gudashada Shaqada inay iscasilaadiisa sababtay.

Cabdirisaq Axmed Ibraahim (Af-Qaraf)  oo ka mid ahaa Shaqaalaha Baratakoolka Madaxtooyadda oo la Hadlay Telefishanka Star ayaa waxa uu yidhi“Anigoo ah Cabdirisaq Axmed Ibraahim,oo ka hawlgalayay Madaxtooyadda Somaliland,waxaan jeclahay  inaan u sheego Umadda Somaliland intii Muuqayga iyo Magacayga taqaanay inaan shaqadii Madaxtooyadda maanta iskaga tagay,duruufo aan arkay awgood,oo asbaabaha aan uga tagay ay ahayd Xagga Maamulka iyo shaqo wadaagga oo runtii aad iyo aad u liidata,oo igu adkaatay inaan halkaasi ka sii shaqeeyo, waxaanan warqadii shaqo ka tagista u gudbiyay Madaxtooyadda”.

Isagoo ka hadlaya shaqo ka tagistiisa ayaa waxa uu yidhi: “Waxaanan jecelahay in aan talo u soo gudbiyo madaxweynaha waxaanan leeyahay madaxweynuhu waa in uu hoos u eegaa, waxaanad moodaa in ay dad gaar ahi kooto ku qabsadeen, waxaana adkaanaysa in ay dadku dhex galaan dadkan kootada ugu jirto, waxaana muddo saddex bilood ah oo aan shaqaynayay igu adkaatay in aan tuso in meesha dadku wada leeyihiin, laakiin way adkaatay” ayuu yidhi Cabdirisaaq Oo Star Tv u waramayay”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here