Masuul Madaxtooyada S/land Ka Tirsan Oo Arday Ka Qalin Jabisay Jaamacada Burco Ku Dhiirigaliyay Inay U Shaqo Tagaan Wadamada Jaarka Oo Ay Soomaaliya Kujirto Iyo Inay Tahriibaan

0
95
Lawadaag Asxaabta...

Burco, September 8, 2018- (Foore)- Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Somaliland Maxamed Cali Bile ayaa jeediyay khudbad si wayn uga yaabisay Shacabka Reer Somaliland, waxa uu rajo xumo ka muujiyay joogitaanka dalka Gudahiisa isagoo Sidoo kalena ku dhiirigaliyay Ardayda Jaamacaddaha Dalka ka baxay inay Meel kasta oo ay shaqo ka heli karaan tagaan, sida Wadamada Jaarka ah iyo meelo ka sii durugsan.

Agaasime Maxamed Cali Bile ayaa Shalay Khudbaddan ka jeediyay Munaasibad Qalin jabin ah oo loo qabtay Arday wax ka baratay Jaamacadda Burco,taasi oo uu Madaxtooyadda ku matalayay, waxaanay khudbadiisanni si weyn u yaab galisay Waalidiintii iyo Ardaydii Munaasibaddaasi ka qayb galay kadib markii uu Ardaydii ku wacdiyay inay khataro naftooda galiyaan inta ay ku jiraan Da’da u dhexaysa 20- jirka illaa 30-Jirka taasi oo macno ahaan loo qaatay inuu ula jeeday inay tahriibaan,waxaana kale oo uu hadalkaasi sii raaciyay oo uu rajo xumo ka muujiyay joogitaanka dalka gudahiisa isagoo si toos ah carabka ugu dhuftay inay xun tahay qol qol joognimo.

Qayb ka mid ah Khudbaddii uu Agaasime Maxamed Cali Bile ka jeediyay Jaamacadda Burco oo uu arimahaasi kaga hadlay ayaa waxa ay u dhignayd sidan “Inaad Burco fadhidaan oo aad shaqo ka doontaa khasab maaha, Waddanka dhexdiisa halkii shaqo laga heli karaba tag, waliba wadanka haddii aad sii dhaafi karto Waddamada Jaarka ah tag, haddaad sii dhaafi karto meel kale u shaqo doono, Qol qol joognimadu hoos ayay kuu dhigaysaa,waxa weeyaan meel kasta oo ay noloshu kula gasho, waliba intay da’diinu u dhexayso 20-jir illaa 30-Jir khataro badan qaado oo horumar samee, oo meelo badan u shaqo tag, oo wax kasta isku day”.

Dhinaca kale hadalkan kasoo yeedhay Sarkaalkan sare ee ka tirsan Madaxtooyadda Somaliland ayaa Shalay illaa Xalay waxa si weyn loogu falan qaynayay baraha Bulshada taasi oo loo qaatay inuu hadalkaasi yahay mid muujinaya sida aanay Madaxtooyaddu qorshe ugu hayn Kumanaanka arday ka soo baxaya Jaamacadaha dalka, iyo sida ay u karaahiyaysanayso, taasina ay la noqotay inay ardayda ku dhiirigaliyaan inay Dalka iskaga tahriibaan, ama ay camal u doontaan wadamada jaarka. Sidoo kale Madaxweynaha iyo Golahiisa Wasiiradda ayaan ka qayb galin Qalin jabinta Jaamacadda Burco sidii ay uga qayb galeen Jaamacadaha Camuud ee Boorama  Iyo Hargeysa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here