Masiibo: Been Ninkeedu Sheegay Ayaa Galaafatay Nolosha Xaaskiisii Iyo Ubadkiisii!

0
337
Lawadaag Asxaabta...

Nin ku nool dalka Shiinaha ayaa waxa uu been abuuray geeridiisa si uu lacag uga helo shirkad caymis ah, hasayeeshee musiibo ayuu arrintii ka dhaxlay oo markii warka geeridiisa ay maqashay ayaa waxaa isdishay xaaskiisii oo sidoo kale horay nafta uga sii jartay laba carruur oo ay dhaleen.

Ninkaasi markii dambe waxa uu isu dhiibay booliska.

34-jirkan ayaa loo maleeyay inuu dhintay kaddib markii gaadhigiisa laga helay webi dhexdii, walow isla goobtaasi aan maydkiisa laga helin.

Xaaskiisa umuu sheegin qorshaha uu degayay waxa ayna run moodday inuu si caadi ah u dhintay.

Haweeynaydaasi waxa ay iyada iyo carruurteediiba isku tuureen barkad ay biyo ku jiraan kaddib markii ay online-ka soo dhigtay qoraal kooban oo caddeynaya inay isdilayaan.

Ninka oo ay boolisku sheegayaan in qoyskiisa lagu magacaabo He, ayaa Jimcihii isu soo dhiibay booliska deegaanka Xinhua ee gobolka Hunan.

Waxaa ninkaasi loo xidhay inuu doonayay inuu lacago si aan sax ahayn uga qaato shirkad caymis ah iyo inuu si ogaal ah hanti u burburiyay, booliska Xinhua ayaa sidaasi ku sheegay bayaan uu soo dhigay barta WeChat oo ah bar ay ku wada xidhiidhaan bulshada Shiinuhu.

Bilowgii bishii Sibteember Mr He ayaa isagoon xaaskiisa wargelin waxa uu iibsaday qorshe caymis oo ku kacaya hal milyan oo Yuan oo u dhiganta $145,000 oo doolar, booliska ayaa sidaasi sheegay.

Sida lagu sheegay warbixin laga sii daayay Idaacadda dowladda ee Codka Shiinaha, xaaska ninkaasi ee geeriyootay ayaa la sheegay in dhaqaalaha loo weecinayo.

19-kii bishii Sibteembar, Mr He waxa uu been abuurka geeridiisa u isticmaalay gaadhi uu soo kiraystay isagoo ku matalay inuu shil galay, booliska ayaa yidhi. Waxaana markii dambe la ogaaday inuu galay dayn ka badan 100,000 Yuan.

11-kii bishii Oktoobar, waxaa maydka xaaskiisa oo 31-jir aheyd, wiilkoodii afar jirka ahaa iyo gabadhoodii saddex jirka aheyd laga helay barkad ku taal gurigooda, sida ay ku warrantay Idaacadda dowladda ee Codka Shiinaha.

Fariin kooban oo ay haweeneydaasi soo dhigtay barta WeChat, ayaa waxa ay ku qortay inay doonayso inay ninkeeda ka dabatagto, waxa ayna intaa ku dartay “waxaan weligey doonayay in qoyskayaga afarta ah abid aanu wada joogo”, Idaacadda Codka Shiinaha ayaa intaasi sii raacisay.

Mr He ayaa maalintii xigtay booliska isku soo dhiibay.

Waxoogaa markaas ka hor ayuu online-ka soo dhigay muuqaal si weyn ay dadku u wadaageen, kaas oo uu ooyayo sheegayana inuu lacagta u daynsaday si uu ugu daweeyo gabadhiisa saddex jirka ah ee xanuunsanaysa.

Dhacdadaasi ayaa todobaadkii la soo dhaafay si weyn loogu hadalhayay baraha ay bulshadu ku wada xidhiidho ee dalka Shiinaha, taas oo dood badan ka dhalisay culeysyada dhaqaale iyo arrimaha qoys ee dalkaasi ka jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here