Man City Oo Shaacisay Mudada Uu Garoomada Ka Maqnaanayo Kevin De Bruyne, Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay

0
35
Lawadaag Asxaabta...

Kooxda Manchester City ayaa ku shaacisay shalay oo Jimce ahayd shabakadeeda rasmiga ah in laacibkeeda khadka dhexe ee reer Belgian Kevin De Bruyne uu garoomada ka maqnaan doono mudo dhan saddex bilood, sababa la xidhiidha dhaawacii darnaa ee kasoo gaaray dhanka jilibka.

War rasmi ah ee kasoo baxay kooxda Manchester City ayaa lagu sheegay in laacibka khadka dhexe ee reer Belgian Kevin De Bruyne uu dhaawac kasoo gaaray dhanka Jilibka midig, laakiin warbixinta ayaa lagu xusay in soo kaba shadiisa aanan loo baahneen in laacibka uu u maro qaliin. De Bruyne ayaa dhaawaca soo gaaray wuxuu la mid yahay kii uu la kulmay sanadii 2016, taasoo ku qasabtay inuu garoomada kaga maqnaado mudo dhan 10 isbuuc ee xidhiidh ah, sidaas darteed kama uusan soo muuqan 12 kulan xili ciyaareedkii lasoo dhaafay. Maqnaanshaha xidiga khadka dhexe ee reer Belgian Kevin De Bruyne ayaa waxay dhabar jab weyn ku noqon doona tababaraha reer Spain ee Pep Guardiola, maadaama uu loolan adag u gali doono sida uu ku difaacan lahaa koobka Premier League, maadaama uu door weyn ka ciyaaray guulihii ay Manchester City ay gaartay xilli ciyaareedkii hore.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here