Ma’lihii BOQOR SUUL Iyo Beertii Ba’day- Qalinka: Maxamed Faarax Qoti

0
113
Lawadaag Asxaabta...

Boqor Suul wuxuu ka mid ahaa boqorradii ugu samirka iyo dulqaadka badnaa ee ka soo taliyey dunidan aynu ku noolnahay qarnigii 9-aad ee la soo dhaafnay, kaasoo ahaa Boqor daacad ah, aragti fog, fahmo badan, wax akhriya, waxna dersi jiray, isla markaana raadin jiray waxa khaldan, si uu u saxo, waxna ka beddeli jiray malihiisa, qorshihiisa iyo fikradihiisii uu ku xalin jiray dhibaatooyinka soo waajaha maamulkiisa.

Ninkan Boqorka ah, waxa uu aaminsanaa in boqortooyadiisu ay ahaato mid ku dhisan xukun aammin ah oo ay xeer u yihiin sinnaan iyo caddaalad, taasna lagu gaadhi karo guusha lagaga midho-dhalinayo himilooyinka waxqabadka ah ee ay xukumadiisu hiigsanayso iyo  in uu si siman dadkiisa uga wada daaweeyo dhammaan waxyaabihii ay dareensannaayeen ee ka soconayey hareeraha xayn-daabka ay ku xeernaayeen cabsidii khatarta badnaa ee kicinayey dareenka bulshadiisu, isla markaana ay ka bogsan doonto werwerkii, walaacii, walbahaarkii diifta iyo daalka badnaa ee ay soo mareen.

Inkastoo Boqorku aannu lahayn madad iyo mirqaan, haddana waxa uu xiiseyn jiray dhegaysiga sheekooyinka xikmadaha iyo qosolka badan, waxaannu rumeysnaa in qosolku yahay dawada ugu wanaagsan caafimaadka jidhka ee la dagaalanta walaaca, werwerka iyo wal-bahaarka, isla markaana hoos u dhigta dheecaanada keena walaaca ee loo yaqaano kortisolka “cortisol”, iyo inuu soo saaro  dheecaanada dareenada farxadda leh ee loo yaqaano dobamin “dopamine” oo uu u fiican yahay caafimaadka jidhka, gubana walaxda loo yaqaano  kalooriska “Calories” ee ku kaydsan  muruqyada jidhka aadamaha.

Mar uu Boqor Suul hadal ka jeediyey xaflad xadhigga lagaga jarayey tartanka La-dagaalanka walaaca iyo werwerka, waxa uu yidhi; “Waxa maanta magac, milgo iyo maamuusba ii ah in aynu  isugu nimaadno xafladdan taariikhiga ah ee ku suntan iskaashiga la-dagaalanka walaaca ee sheekooyinka aan dhammaadka lahayn, maanta inuu si rasmi ah innoogu bilaabmo tartanka  lagu guulaysanayo magacaabista jagooyinka ugu sareeya xukuumadda aan gadh-wadeenka ahay, dhammaanteen waxay u tahay farxad iyo yididiilo wanaagsan, waxaan aaminsannahay ciddii ku guuleysataa ay qaranka u horseedi doonaan, curin hal-abuur wax-ku-ool ah oo uu saldhig u yahay waxqabad toosan, tacab iyo tallo-wadaag.”

Waxa tartankaas ka qaybgalay aqoonyahanno badan oo iskugu jiray xeel-dheerayaal, xidaariyiin, qorayaal iyo abwaano, kuwaasoo ka sheekeeyey sheekooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin;

Riyadii sac-maalada

Gabadha mise shabeelka

Wankii la lumay baraarka

Tuuggii daacadda ahaa

Ileyn geel didisna kama daro

Ma boorbaa mise waa dhiin?

Ma Y-dii aan ogaa ayuu laba dhibcoodna ugu daray

Shimbirkii ku noolaa beedka shimbiraha

Haddii calafku kugu dhaco u beddelo midho macaan

Boqorkii siddeedaad iyo qaar kale oo badan.

Inkastoo sheekooyinkaasi ay ahaayeen kuwo aad u xikmad iyo xiiso badnaa, haddana mid kasta oo sheekooyinkan ka mid ah waxa ay ahaayeen kuwo lahaa bar-bilow iyo dhammaad, laakiinse,  waxa ku guuleystay kuwii soo bandhigay sheekooyinkii ay ka mid ka ahayd, sheekadii Qudhaanjada, kaasoo yidhi”,  Waxa na soo maray toddoba sannadood oo abaar ah, waxaana noogu xigtay toddoba sannadood oo  barwaaqo ahayd, toddobadaa sannadood ee barwaaqadaha ahaa beerihii la beertay midhihii ka soo go’ayey, markii ay buuxsameen boholihii aanu ku keydanaynay midhihii ka soo go’ay beerahaas, ayaanu ku tuulnay goobo banaan oo isku badelay tubullo ama buuro dhaadheer.

Maalin maalmaha ka mid ah ayey soo gashay tunbull ka mid ah tunbullihii hadhuuhdka ahaa, “dakhala namle wakhdat xabbatu waaxidat minal qamac wakhrajat,” taasoo macnaheedu yahay; “Waxa soo gashay midh qudhaanjo ah, waxaanay qaadatay xabbed hadhuudha, waanay baxday, mid labaadbaa soo gashay waxaanay qaadatay xabbed hadhuudh ah, waanay baxday, mid saddexaad ayaa soo gashay, afraad, shanaad, illaa iyo qudhaajadii 712- aad, maalinkii dambe ayuu halkii ka sii anba qaaday sheekadiisii, waxaanu yidhi: waxa soo gashay qudhaajadii 713-aad illaa uu gaadhsiiyey qudhaajadii 1,596-aad, maalinkii saddexaadna, halkii buu ka sii anbaqaaday sheekadiisii qudhaanjada, maalinkii 7-aad marka uu marinaayey qudhaanjadii 7,652-aad ee qaadatay xabbeda hadhuudhka ee baxday.

Boqorkana ay maskaxdiisu ka dhex guuxayso, dakhala namle wakhdat xabatu waaxidat minal qamac wakhrajat oo ah; waxa soo gashay midh qudhaanjo ah xabbed hadhuudha bay qaadatay, waanay baxday, ayuu hoos isku weydiiyey maxaa kaa khaldan, ileyn waxani maaha wax xil lagu bixiyo iyo wax la sii dhegeysan karayo midnaba, maxaad yeeshaa?

Markii uu aroornimadii dambe uu ku soo kalahay ninkii, boqorka ayaa weydiiyey ninkii oo ku yidh”  waar miyaanay sheekadaadani dhammaaneyn, ninkii baa ugu jawaabay; “Saracii aannu beeranaynay midhihii ka soo go’ay toddobadaa sannadood, markii ay buuxsameen boholihii midhaha aannu keydsanaynay ee ay noqotay tunbullahaa waaweyn ee hadhuudhka ah iyo qudhaajaduba, midna ma dhammaanayaan.Ka dibna, sidaas baanu ugu magacaabay xilalkii Golaha xukuumaddiisa boqorkaas, gollahaas oo intooda badan ay ahaayeen kuwo ku cakis ahaa hab-dhaqanka iyo dabeecadiihii uu lahaa boqorkaas, waxaana loo aaneeyaa habkii ma’lihiisa ahayd ee uu ku xushay gollihiisa ay sabab u ahayd, innay ba’do beertii uu beerayey ee midhuhu ka soo bixi lahaayeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here