Magacyadii Ugu Layaabka Badnaa Ee Loo Bixiyey Ubadka Ingiriiska Sannadihii Ugu Dambeeyey

0
122
Lawadaag Asxaabta...

Sannadihii ugu dambeeyey waxa dalka Ingiriiska laga diiwan geliyey magacyo loo bixiyey ubadka dalkaasi kuwii ugu layaabka badnaa in muddo ah kadib markii warbaahinta Ingiriiska qaar ka mid ah shalay lagu baahiyey liis ka kooban magacyada ubad ka mid ah dhallaankii dhashay sannadigii ugu dambeeyey, gaar ahaan kuwoodii ugu xiisaha badnaa ee aadka loola yaabay.

Wargeyska Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxa ayaa soo saaray liis ay ka kooban yihiin magacyada wiilal iyo hablo dalkaasi ku dhashay oo loo bixiyey magacyo aad loogu qoslo. Wargeyska oo soo xiganaya warbixin sannadle ah oo ay soo saarto xarunta Pointy Printing Club oo ka koobnaa magacyada 370-kun oo caruur ah ayaa laga soo xulay magacyadii ugu layaabka badnaa, iyada oo ubad badan oo dalkaasi sannadkan ku dhashay loogu magac daray cabitaanada Shaaha (Teal) iyo Sharaabka Biibsiga (Pepsi), waxaanay labadaa magac calanka u sidaan magacyada layaab leh ee ubadka dalkaasi sannadkan loo bixiyey iyada oo ay muuqanayso saamaynta telefishanku ku leeyahay magac bixinta ubadka reer England.

Warbixintani waxa ay muujinaysaa in badiba magacyadii ubadka dhashay loo bixiyey ay si weyn uga dhex muuqdaan magacyo laga soo dheegtay Jilayaasha iyo barnaamijyada Telefishanada ka baxa ee dalkaasi aadka looga jecel yahay. Tusaale ahaan: London, Tory, Ream oo dhammaantood ah magacyo Filimo laga baahiyo telefishanada dalkaasi Ingiriiska. Magacyada inamada yarar ee dhashay loo bixiyey kuwooda ugu layaabka badan waxa ka mid ah: Luck, Lohan, Dallas iyo Geordie halka magacyada hablaha laga soo qaadan karo: Ream iyo Rosiellee oo ah magacyo ka mid ah Jilayaasha filimada aadka looga daawado dalka Ingiriiska gaar ahaan filimada Musalsalka ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here