Magaalo Dhammaan Raggii Ku Noolaa Muddo 24 Saacadood Ah Guryaha Lagu Xannibay, Xukunkii Iyo Shaqadiina Haween La Wareegeen

0
148
Lawadaag Asxaabta...

Dhammaan raggii ku noolaa magaalada Bucaramanga ee wadanka Colombia ayaa guryaha lagu xannibay muddo 24 saacadood ah iyada oo amar lagu bixiyay in aanay raggu guryaha ka soo bixin halka dhammaan arrimihii shaqooyinka iyo maamulka magaaladaasi haween farta laga saaray taasi oo keentay in dhammaan suuqyada, waddooyinka iyo xarumaha maamulka magaaladaasi haween kali ahi buux dhaafiyaan halka aan magaaladaasi muddo maalin iyo habeen ah haba yaraatee hal nin lagu arag oo bannaan jooga.

Arrintan ayaa la sheegay in looga jeeday in la muujiyo sida dadka deegaankaasi go’aanka ugu gaadheen in loo yareeyo tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo sinnaan la’aanta mujtamaca deegaankaasi ku nool ee ragga iyo haweenka. Sida ay ku soo warramayso wakaaladda wararka wadanka Colombia oo aany warkan ka soo xiganay, waddooyinka, meheradaha ganacsiga, xarumaha dawladda ee magaalada Bucaramanga ayaa mar kali ah lagu war helay haween iskala baxay iyo haba yaraatee hal nin ah oo aan ka dhex muuqan magaaladaasi iyada oo dhammaan raggii ku noolaa go’aan dadkani wada jir u qaateen lagu go’aamiyey in ay muddo maalin iyo habeen ah ubadka guryaha ku hayaan oo aanay xataa albaabka guriga isa soo taagin.

Haween badan oo damaashaadaya oo sita boodhadh iyo halku-dhegyo ayaa soo buux dhaafiyey waddooyinka magaalada si ay u muujiyaan in ay ku faraxsan yihiin go’aanka raggooda iyo xukuumadda dalkoodu la qaateen in wax laga badalo sinnaan la’aanta dhinaca lammaanaha (Gender In Equity) ee ka jirta dalkaasi iyo tacadiyada ka dhanka ah haweenka oo aad ugu badan dalkaasi waxaanay haweenku siteen boodhadh ay ku xardhan yihiin xuquuqda haweenka iyo sinnaanta lamaanaha in kor loo qaado.

Dhinaca kale waxa dhammaan xafiisyadii dawladda, xarumihii waaweynaa ee ganacsiyada iyo dhammaan xafiisyada adeega dadweynaha masuuliyadoodii la wareegay haween kali ah iyada oo aanu jirin haba yaraatee nin kali ah oo lagu arkayay isaga oo xafiis fadhiya. Si kale haddii aan u nidhaa, dhammaan mudadaasi maalinta iyo habeenka ah ee maalinimadii Khamiistii toddobaadkii hore cid kasta oo loo shaqaynayay iyo cid kasta oo shaqaynaysayba waxa ay ahaayeen haween, magaalada oo dhanna dhaqdhaqaaqeeda waxa ganacta ku hayay xaawaldayda reer Colombia ee ku nool magaalada Bucaramanga.

Mid ka mid ah ragga hawshan ka soo shaqeeyey oo ka hawl gala hay’ad xuquuqda haweenka ka shaqaysa ayaa wakaaladda wararka Colombia u sheegay in ay ku faraxsan yihiin in maalin iyo habeen dhan haweenku iskala baxeen magaaladooda raggiina lagu amray in aanay guryaha dibadda uga soo bixin isaga oo masuulkaasi sheegay in ay farriinta ay arrintan ku gudbinayeen adduunyada gaadhsiiyeen dadkooduna hadda ku baraarugi doonaan in haweenka doorkooda la siiyo si ay uga qayb qaataan horumarinta mujtamacooda. Tuuladan Bucaramanga ayaa la sheegay in ay ku taallo woqooyi bari dalka Colombia oo ay ku nool yihiin kaliya ku dhawaad Laba Boqol Oo Kun qof waxaana masuuliyadda afarta xaafadood ee tuuladaasi ka kooban tahay mudadaasi maalinta iyo habeenka ah la wareegay afar guddoomiye xaafadeed oo haween ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here