Magaalada Uu Ku Dhashay Xiddiga Lionel Messi Oo Laga Mamnuucay In Wiilasha Loo Bixiyo Magaca Messi

0
142
Lawadaag Asxaabta...

Xiddiga xulka qaranka Argentine iyo kooxda kubadda cagta wadanka Spain ee Barcelona waxa lagu tilmaamaa mid ka mid ah ciyaartoydii abid ugu fiicneyd ee dunida soo marta haddii laakiin sida laga soo xigtay xafiiska diiwaangelinta magacyada caruurta waa sharcidarro in ilmahaaga gaar ahaan inankaaga yaree dhasha aad u bixiso Messi.

Magaalada uu ku dhashay Lionel Messi ee Rosario waxaa laga maamnuucay waalidiintu inay caruurtooda u bixiyaan magaca xiddiga reer Argentina iyada oo arrintaasi maalmihii ugu dambeeyey saxaafadda wadanka Argentine si weyn wax uga qorayeen. Xiddiga Barcelona ayaa taariikhda ku geli doona inuu yahay mid ka mid ah xiddigaha abid ugu fiicnaa adduunka isagoo jabinaya rikoodh kasta oo hore lo dhigay gaar ahaan dhinaca gool-dhalinta oo uu ka mid yahay raga adduunka ugu gool dhalin badan ee soo mara fagaarayaasha kubadda cagta hadana tani waxa ay imanaysaa wakhti magaaladiisa aad looga karaahiyeystay inkasta oo ay in badanina jeceshahay. Wadankiisa waxa uu ka yahay geesi isagoo daqiiqado kaliya u soo jirsaday inuu waddankiisa ku hogaamiyo Koobka Adduunka.

Laakiin haddii aad ku nooshahay Rosario ilmahaaga uma baxsan kartid Messi, waa maxay sababtu?!!. Sida laga soo xigtay Gonzalo Carrillo oo ah ninka diiwaangeliya caruurta ee Santa Fe, waa sharcidarro in ilmaha loo bixiyo Messi maadaama magaca Messi aanu ahayn magaca koowaad ee qof loogu yeedho balse uu noqon karo kaliya magaca labaad ee qoys oo dhan ay wadaagaan. Sharciga wadanka Argentien waa uu ogol yahay in ilmaha yar loo bixiyo Lionel ka dibna lagu qabto magaca qoyska.

Laakiin magaca koowaad ee ilmaha ku dhashay Rosario ma noqon karo Messi. Waxaana ay arintaan timid markii uu sidaasi sameeyay Hector Varela oo ku nool gobol kale oo wiilkiisa magaciisa koowaad ka dhigay Messi. Magaca Messi ayaa ah magic qoys oo xagga dambe lagaga dari karo magaca hore ee asalka ah sidaa darted Ilmaha Deegaanka Rosario ku dhashaa Messi laguma bilaabi karo illaamagac hore loo raaciyo oo xagga hore laga mariyo sida Jose, Luis, Lionel, Robert iwm.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here