Madaxweynihii Hore Ee Maraykanka Barrack Obama Iyo Xaaskiisa Michelle Oo Wada Matali Doona Filimo Xiiso Badan

0
114
Lawadaag Asxaabta...

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama iyo xaaskiisa Michelle ayaa isku diyaarinaya sidii ay uga soo hormuuqan lahaayeen barnaamijka muuqalka ah ee Netflix si ay u jilaan aflaan iyo barnaamijyo muuqaal ah. Neftlix waxay sheegtay in madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama iyo xaaskiisu ay shirkadda la saxiixdeen heshiis dhowr sano qaadanaya. Waxaana filimka ay jili doonaan uu noqon doona mid taxane ah oo isugu jiro barnaamijiyo iyo faallooyin muuqaal ah.

Michelle Obama oo arrintan ka hadlaysay waxay tidhi “Barack iyo aniga markasta waxaan aaminsanayn awoodda ay leedahay sheeko isku gudbinta taasoo na dhiiragelisay”

Faafaahinta ku saabsan waxyaabaha uu diiradda saari doono filimkani ayaan weli shaaca laga qaadin. Lamanayaashan mar ka so arrimiyay aqalka cad ee Maraykanka ayaa sameeyay diyaagarow xoogaan si waxyaabaha ay jilayaan looga baahiyo barnaamijka Netflix. Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in xilligii uu ka shaqaynayay xafiis dadweyne ay farxaddiisu ahayd inuu la kulmo dad horumar ka gaadhay nolosha si dadka kale ay ula wadaagaan khibraddooda. Barack Obama wuxuu yidhi “taasi waa sababta aniga iyo Michelle aan ula shaqaynayno shirkadda Netflix, waxaan rajaynaynaa inaan gudbino xirfad xikmadaysan”

Markii ay billaabatay ka hadalka arrintani horraantii sanadkan waxaa la sheegay in Obama uu Netflix uu kusoo bandhigi doono barnaamijyo wax ku ool ah oo ay kamid yihiin arrimaha caafimaadka, isbaddalka cimilada iyo arrimaha socdaalka. Waxaana sidoo kale la sheegay in Obama aanay u qorshaysnayn inuu filinkiisu noqdo mid uu ku weerarayo Donald Trump iyo mid wax dhaleeceynaya.

Shacbiyadda badan ee ay leeyihiin lammaanahani ayaa keenaya in ay shaqooyin badan ka helaan shirkado badan iyo jaamacado badan oo danaynaya taasi oo keenaysa in ay malaayiin dollar sameeyaan sannadkiiba.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here