“Madaxweyne Siisi Waa Wali Samada Laga Soo Diray Ciddii Ka Hor Timaadaana Waxay Galaysaa Naarta”….Baadariga Masiixiyiinta Masar

0
43

Qaahira (Foore)- Baadariga ugu sarreeya Masiixiyiinta waddanka Masar Makaari Yuunaan ayaa Madaxweynaha waddanka Masar Cabdilfataax Al Siisi waxa uu ku tilmaamay nin samada laga soo doortay oo ilaahay Masaarida u soo diray sida uu ku dooday isaga oo guud ahaan shacabka Masaarida ah ee Masiixiyiinta ah ugu baaqay in aanay ku mudaharaadin Madaxweyne Siisi oo aanay qayb ka noqon dibadbaxyada muddooyinkii ugu dambeeyey lagaga soo hor jeeday Madaxweynahaasi.

Isu soo bax xukuumadda Masaaridu soo abaabushay oo lagu soo dhaweynayay Madaxweynaha waddanka Masar Cabdifataax Al Siisi oo ka soo laabtay dalka Maraykanka oo uu kaga qayb galay kulankii guud ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa waxa dadkii soo dhawaynta loo diyaariyay ka mid ahaa kooxaha wadaada ee dalkaasi Masar oo isugu jiray kuwa Islaamka iyo Masiixiyiinta.

Waxa haddaba arrin warbaahintu aad u hadal hayso noqday muuqaal si weyn loogu baahiyay baraha Bulshada oo muujinaya wadaadka ugu sarreeya diinta Masiixiyada dalkaasi Masar, baadariga lagu magacaabo Makaari Yuunaan kaasi oo Madaxweynaha hortiisa ka sheegay isaga oo warbaahinta la hadlayay in Cabdifataax Al siisi uu yahay wali samada ka soo daahiray kaasi oo shacabka Masaarida guud ahaan iyo gaar ahaan Masiixiyiinta ka mudan in ay raacaan oo adeecaan oo aanay ka hor iman isaga oo ugu goodiyay ciddii ka hor timaaddaa in ay naarta Jahannaba galayso oo ay tahay cid ka hor timid amarka Ilaahay.

“Madaxweynaha Masar Cabdufataax Al Siisi waa Wali samada laga doortay. Waxaan ugu baaqayaa Masiixiyiinta reer Masar in aanay marnaba ka hor iman Cabdifataax Al Siisi oo aanay mudaharaada ka dhanka ah ka qayb galin. Ciddii sidaa yeeshaa waxa ay khilaaftay awaamiirta Alle waxaanay mutasan doonaan Naarta” sidaa waxa yidhi baadarigan oo warbaahinta xukuumadda la hadlayay isaga ooh or taagan Madaxweyne Siisi kana mid ahaa dadkii loo diyaariyay soo dhawayntiisa.

Baadarigani waxa uu sheegay in aanu isagu ahayn siyaasi, arrimaha siyaasaddana aanu ku mashquulin balse uu aaminsan yahay in nolosha Masaaridu ku hagaagayso in ay adeecaan Cabdifataax Al Siisi oo uu ku tilmaamay nin uu isagu jecel yahay. “Ma Dareemayo Khajilaad iyo wax niyad xumo ah hadalkaa aan ku idhi isagana waa mid qalbigayga ka soo go’ay ayuu ydihi baadari Makaari Yuunaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here