Madaxweyne Muuse Biixi Oo Toddobaadkan Soo Dhagax Dhigaya Dhismaha Ballaadhinta Dekeda Berbera Iyo Wakhtigii Lagu Heshiiyay Inay Shirkadda DP-World Dekedda Ku Dhisto Oo Bishan Kaga Eg

0
174
Lawadaag Asxaabta...

Berbera, October 08, 2018- (Foore)-   Inkasta oo Muddo badan dibu dhac ku jiray bulshaduna u muuqatay mid quus ka taagan heshiiskii hore xukuumaddii hore ula gashay mashruuca ballaadhinta Dekedda Berbera haddana wararka soo baxayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Muuse Biixi Cabdi la filayo inuu Todobaadkan Safar ugu baxo Dekeda Caalamiga ah ee Berbera islamarkaana uu soo dhagax dhigo Casriyayn iyo ballaandhin lagu samaynayo Dekeda Berbera arintaasi oo qayb ka ah heshiiskii Xukuumadda Somaliland hore la gashay  Shirkadda Imaaraadka ee DP-World.

Inkasta oo ay Shirkadda DP-World muddo kasoo cago jiidaysay qorshaha ballaadhinta Dekedda Berbera oo heshiiskii lala galay qayb ka ah ay wakhtigan hirgalayso iyadoo ay hore u dalbatay islamarkaana ay doonaysay in muddo sannad dib loogu dhigo haddana waxa arintaasi ganafka ku dhuftay oo ka diiday Madaxweyne Muuse Biixi, isagoo sida la sheegay ballan ku qaaday in  in haddii ay maalin dhaafto wakhtiga heshiisku ahaa in Dhismaha ballaadhinta Dekeda Berbera lagu bilaabo uu laali doono dhammaan heshiiskaasi.

Ilo-wareedyo Arrinkan u dhuun daloola oo Xalay Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa tibaaxaya in Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi la filayo in uu toddobaadan soo socda Soo dhagax dhigayo halka dekedda Cusub laga dhisayo ayaa waxa la filayaa inay arrintaasi iyo dhagax dhigaasi goob joog ka noqdaan masuuliyiinta sar sare ee Shirkadda imaaraatiga ah ee Dp-World. Wakhtigii uu heshiiskan balaadhinta Dekedu ahaa inay Dp-World bilawdo ayaa bishan kaga eg.

Si kastaba ha ahaatee shacabka Somaliland oo muddo sannado ah u dheg taagayay heshiiskaasi iyo halka uu ku dambayn doono ayaa waxa ay walaac weyn ka qabeen suurto galnimada heshiiskaasi iyo sida aanay wali shirkadda qandaraaskan lagu siiyay aanay waxba uga qaban ballaadhinta dekedda Berbera inkasta oo ay dhinaca maamulka iyo socodsiinta shaqada Dekedda ku hawlanayd tan iyo markii ay sida rasmiga ah ula wareegaan muddo xileedkii xukuumaddii hore ee uu gadh wadeenka ahaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here