Madaxweyne Muuse Biixi Oo Furay Shirweynaha Shaqo Abuurka Heer Qaran Oo Ay Soo Qaban Qaabiyeen SONYO Iyo Wasaaradda Shaqo Gelinta Somaliland

0
92
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, August 30, 2018- (Foore)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu shalay daah-furay shirweynaha shaqo abuurka Heer Qaran oo oo noqon doona mid lagu lafa guro laguna qorsheeyo shaqo abuurka dhallinyarada Somaliland iyo guud ahaan muwaadiniinta reer Somaliland, kaasi oo ay iska kaashadeen Dalladda Heer Qaran ee Ururrada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO iyo Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska iyo Hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin.

Xafladda Furitaanka Shir-weynaha Heer Qaran ee Shaqo Abuurka oo socon doona laba maalmod ayaa shalay ka qabsoomay Huteel Maansoor ee Caasimadda Hargeysa waxaana ka soo qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Md. Muuse Biixi Cabdi, Xubno Ka kaal socday Golaha Wasiirrada, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha, Guddoomiyahadda Heer Qaran ee dalladda SONYO, Golayaasha Qaranka, saraakiisha hay’adaha ay SONYO iyo Wasaaradda wada shaqaynta leeyihiin iyo marti sharaf kale.

Furitaankii Shirweynaha waxa hadallo kooban madasha kasoo jeediyey Guddoomiyaha Dalladda Ururrada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md. Cabdicasiis Siciid Saalax oo shirka ibo furay kana hadlayay muhiimadda shirkan iyo doorka dalladda SONYO kaga aadan shaqo abuurka dhallinyarada Somaliland ayaa waxa uu yidhi: “Dhallinyarada Somaliland waxa ay u baahan yihiin shaqo abuur aynu dhammaanteen ka wada shaqayno. Kuwooda hal-abuurka Ganacsi lihi waxa ay si gaar ah ugu baahan yihiin in ay helaan goobo ay dayn ka qaataan si ay uga midho dhaliyaan hal-abuurkooda ganacsi. 2.7 Milyan oo dhallinyaro Somaliland ah tababarkooda, tayayntooda iyaduna wax sahlan maaha. Intaasi ay imika hay’aduhu sheegeen in ay qabanayaan waxa ay iska noqonaysaa wax kooban. Ka shaqaynaya aynu u laban laabno insentive-ka aynu siinayno, haddii uu yahay mid wax masaxaya, mid hudheel ka shaqaynaya, si uu isaguna u kobco oo uu horumar u sameeyo. Waxa aynu u baahanahay in aynu helno guddi heer qaran ah oo shaqo abuurka daba gasha, qorshihiisa daba gasha, isla markaana loo joogteeyo kulamada wax lagaga qabanayo, si aynu isku waydiino sanadkan halkaynu gaadhnay, lixdii bilood halkee baynu gaadhnay. Shaqo abuurka iyo baahidiisu wax dhammaanaya maaha sannadaha soo socda.

Maxamed Maxamuud Cige oo ka socday Hay’adda Save the Children, Mr. Alberto oo ka socday Midawga Yurub iyo Maxamed Shukri oo ah guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland ayaa dhammaantood ku dheeraaday oo ka hadlay doorka kaga aaddan shaqo abuurka dhallinyarada iyo sidii ay xukuumadda iyo SONYO ugala shaqayn lahaayeen arrintaasi.

Ugu dambayn Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shirka si rasmi ah u furay ayaa halkaasi ka jeediyey khudbad qiimo leh oo arrinkan ku saabsan waxaanu yidhi “Shirkani maanta ayuu inoo bilaabmay, waanu inoo furan yahay qodobada lasoo qaaday saddex uun baan ka xusi oo aan leeyahay aad haloo tix galiya qodobka koowaad shaqo muwaadin qaban karo waxa inoo guddoona inaanu qof ajaanibi ahi haynin, qolada ganacsatada ah ee ka dayrisay farsmo xumaanteena ama tidhi farsamada ma taqaanaan iyo wasaaradda shaqadaba ee ogolaanshaha ajanabiga haysaa ha isla hubiyaan in qofka ajanabiga ahi uu halkan u yimi shaqo aynu qaban karno sababtoo ah waxa aad loo hadal hayaa oo guux badani ka jiraa in shaqooyin aynu naqaano ay dad ajanabi ahi hayaan, waxaana loo nisbeeyaa badanaa shirkadaha gaarka loo leeyahay, arrintaas waxaynu u baahanahay in laysla hubsado.

Qodobka labaad waxa inoo guddoon ah in waxbarashadeena aynu wax badan ka badalno si ay isu waafaqaan suuqyada caalamka, iyo gudahaba ee shaqada iyo waxbarashadeenu.

Qodob kale ayaa tix galin mudan oo waxa ka hadlay Guddomiyihii Sonyo wana baananka sida wax looga amaahdaa way dhib badan tahay, waa arrin tix galinteeda leh waanay joogaan shirkadihii baananku iyaguna inkasta oo ay dhibaato badan qabaan oo ma laha damaanad, waxooduna khatar ayay galaan hadana yeelkeede waa inaynu dib ugu noqonaa sida ugu fudud ee loo fulin karo in dayn la siiyo dadka dhalinyarada ah ama fuqorada ah oo aanay daynta qaadan inta is taqaana ee lacagta lehi ra’yigaasna waynu u baahannahay.

Shirkan waxa aynu ka rajaynaynaa inuu keeno ra’yiga ah sidaynu dadkeena u shaqaalaysiinaa waa la badan yahay hay’adihii ajanabiga ahaa waa joogaan, baac-mushtarkiina waa joogaan dawladiina waa joogtaa oo waxa naga wakiilla wasiiradaas oo hawshaas qaabilsan.

Waxa kale oo aan is leeyahay waxa horumar lagu gaadhi karaa waa daah-furnaanta had iyo jeer ra’yi caamkeenu waxay aaminsan yihiin in dawladu tahay meel musuq ah oo wixii loo dhiibaba cunta oo aaminaadu ku yar tahay baac-mushtarkaa aad loo aamninaa, annagu waxaanu ku dadaalaynaa inaanu dadka ka dhaadhicino inaanay dawladu tuugo ahayn oo wixii loo dhiibo daah-furnaan ku maamulno, dawladdu waa hay’ad wayn, mar qudha ma wada hagaagi karto, laakiin waxa naga go’aan ah in ra’yigaas ilaa lixdankii soo jiray aanu badalno dadkuna arkaan in dawladda wixii loo dhiibay la arki karo markaas ayaa shirkadaha iyo baac-mushtarkuba dawladda aaminayaan oo cashuurtana ay bixinayaan. Dhalinyaradda waxaanu ugu tallo galnay waxa haysa wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska iyo Wasiirado kale, annaga qorshahayaga shaqadu waa urursan yahay marka la eego dhaqaalaha xukuumadda soo gala, dabcan mudnaanta koowaad maanaan siin shaqo-gelinta, mudnaanta koowaad waxaanu siinay nabad-galyada oo masuuliyadda ugu weyn ee nalaga doonayo ah, mudnaanta labaadna waxaanu siinay caafimaadka, mudnaanta sadexaadna waxaanu siinay waxbarashada, markaa hadaanu qofka amaankiisii, caafimaadkiisii iyo waxbarshadiisiiba kasoo talinay dee shaqo gelintiisa waa in la naga caawiyaa, dhamaantiin aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin” ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi .

Ugu danbayntiina Madaxweynuhu wuxuu qalinka ku duugay in uu taageeri doona talooyinka, qorshayaasha iyo siyaasadaha lagu horumarinayo shaqo abuurka ee ka soo bixi doona shirweynaha shaqo abuurka heer qaran.

Halkan Ka Daawo Daawo:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here