Madaxweyne Muuse Biixi Oo Dhagax Dhigay Saldhig Boolis Oo Loo Binaynayo Deegaanka Xeedho

0
45
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, February 7, 2019- (Foore)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay dhagax dhigay saldhig cusub oo casri ah oo laga hirgelin doono deegaanka Xeedho, kaas oo lagu magacaabo Mujaahid Aadan Shiine halka uu sidoo kale booqasho ku tagay sayladda xoolaha ee Magaalada Hargeysa.

Taliyaha ciidanka Booliska Sarreeye gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo xubno kamid ah Injinneerrada ciidanka Booliska ee dhismaha saldhiggan gacanta ku haya oo halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay inuu saldhiggaasi noqon doono mid casri ah oo ka duwan saldhigyadii hore loo dhisi jirey, islamarkaana goobta laga dhisayaa tahay goob baahi weyn looga qabay. Maayar-ku-xigeenka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdicasiis Maxamed Cago-weyne oo isaguna madasha dhagax-dhigga ka hadlay, ayaa sheegay inay dawlad hoose ahaan qorshahooda ku darsadeen sidii ay degmooyinka kala duwan ee caasimaddu u heli lahayd saldhigyo ku filan, si loo xoojiyo amniga bulshada ku dhaqan caasimadda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhinaciisa hoggaanka ciidanka Booliska ku bogaadiyey ballaadhinta xarumaha ammaanka ee caasimadda, maadaama oo ay tirada shacabka caasimaddu sii badanayso.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay kormeer shaqo ku tegay sayladda Xoolaha ee Hargeysa. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa intii uu kormeerkiisa ku jirey waxa uu indho indheeyey habsami-u-socodka hawlaha wax kala iibsi ee ka socda sayladda xoolaha Hargeysa oo ah goob uu ka socdo ganacsi ballaadhani. Xubno kamid ah guddida maamusha sayladda Xoolaha ee Hargeysa, ayuu madaxweynuhu ka dhegaystay warbixin kooban oo ku saabsan duruufaha kala duwan ee ku xeeran dadka ku ganacsada sayladda iyo xoolaha halkaas lagu kala iibsado oo u baahan daryeel joogto ah oo xagga cawska iyo biyaha ah.

Dadweynaha ku ganacsada sayladda xoolaha ayaa biyo la’aan uga cawday taangiyada dawladda hoose u dhigtay waxaanu maayar xigeenka oo goobta ku sugnaa Madaxweynuhu ku amray in uu cabashada dadka ka jawaabo oo degdeg biyo ugu keeno.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here