Madaxweyne Ku Yaboohay Kala Badh Mushaharkiisa Iyo Sababta Uu U Bixiyey Oo Dadka Dalkiisa Farxad Galisay

0
69
Lawadaag Asxaabta...

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa shaaciyey inuu ku tabaruci doono kala badh mushaharkiisa oo gaadhaya 290,000, isagoo ku sharfaya Madaxweynihii hore ee dalkiisa Nelson Mandela oo ah hoggaamiyihii ugu horreeyay ee madow ah ee dalkaas ka arrimiya.

Madaxweyne Ramaphosa oo xukunka dalkaasi Koonfur Afrika kala wareegay Jacob Zuma bishii Diisambar ee 2017 ayaa arrintaas ku shaaciyey baarlamaanka hortiisa. Wuxuu sheegay in lacagtan deeqda ah ay ka mid tahay qorshe cusub oo lagu doonayo in lagu maareeyo ururka samafalka ee loogu magac daray Nelson Mandela.

Wuxuu rajeynayaa inay dad badan raaci doonan tallaabadan oo ay billaabi doonan inay u gargaaran dadka, iyagoo aan ku deeqaynin lacag kali ah.

“Waa inaan aqoonsannaa dhibaatooyinkii uu noo soomaray iyo dadaalladii uu ku doonayey inuu wax uga badello nolosheenna, waxaa jira waxyaalo badan oo aan sameyn karno ” ayuu Madaxweynaha Koonfur Afrika u sheegay wargeys ka soo baxa dalka Koonfur Afrika oo lagu magacaabo News24.

“Waxaan raadinaynaa dad xirfado leh oo wakhti iyo dadaal geliya ururkan, iyagoo fulinaya mashaariic badan oo ay bulshadu ka faa’iidaysato. Taasi ayaa noo suura gelinaysa inaan dalkeenna u abuurno fursado badan”

Bixinta lacagtan ayaa lagu beegi doonaa 100 guurada dhalashada Nelson Mandela oo dhawaan ku beegan waxaana lacagta la ururiyo lagu wareejin doonaa Hay’adda Sama-falka ee Mandela loogu magac daray si dadka tabaalaysan loogu gargaaro.

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa waxa uu sheegay in ujeedada uu Mushaharkiisa kala badh ugu bixinayo arrintani tahay sidii uu dadka wax haysta ugu dhiirri gelin lahaa in ay sanduuqaasi Mandela Foundation ugu shubi lahaayeen lacago tabarucaad ah si sidoo kale Mandela loogu maamuuso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here