Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Kulan La Qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga Jeddah

0
67
Lawadaag Asxaabta...

Jeddah, September 01, 2018- (Foore)- Wefdiga uu hogaaminayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay Magaalada Jeddah Ee Dalka Sucuudiga Kulan kula qaatay madaxda iyo masuuliyiinta rugta ganacsiga ee Jeddah chamber of comerce and industry, waxaanay ka wada hadleen sidii looga midho dhalin lahaa loona xoojin lahaa xidhiidhkii ganacsi ee soo jireenka ahaa loona xoojin lahaa is-fahanka ganacsi ee labada shacbi ee ku kala dhaqan waddamadda Somaliland iyo Sucuudiga isla markaana guulo looga gaadhi lahaa xidhiidhka labada dal iyo xoojinta arrimaha ganacsi is weydaarsiga.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Masuuliyiinta rugta ganacsiga Sucuudi Carabiya ayaa kulankooda ku lafo gurey hindisayaal lagu dardar galanayo ganacsiga xorta ah oo wax weyn ka taraya koboca dhaqaalaha bulshada iyo gaar ahaan xidhiidhka Ganacsi ee Sucuudiga iyo Somaliland.

Waxaanu Madaxweyne ku xigeenku ku marti-qaaday Rugta ganacsiga ee Jeddah chamber of comerce and industry dalka Somaliland inay yimaaddaan iyagoo wata ganacsatada ugu waawayn Sucuudiga iyo khaliijkaba inay booqasho rasmiya ku yimaadaan Somaliland, iyagoo qiimayn ku samayn doona ganacsiga Somaliland, xooggana saari doona kobcinta iyo tayeynta Beeraha oo ay gacan ka geysan doonaan sidii Somaliland looga hirgelin lahaa timir tayo leh oo ka baxda Dalka Somaliland, sidoo kale waxa ay maalgelin ku samayn doonaan wax soo saarka iyo dhoofinta Kalluunka Somaliland, iyo iibka Xoolaha Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil waxaa kulankan ku wehelinayay Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, siyaasi Maxamed Nuur Carraale Duur, iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid ahaayeen wasiirka Diinta iyo aw qaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, Mudane Maxamed Muuse Abees.

Wafdigii uu hogaaminayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ee gudashada waajibaadka xajka ku jooga dalka sucuudi arabiya ayaa guulo diblamaasiyadeed ka soo hooyay socdaalkoodan ka dib markii si meeqaamkeedu saraysa madaxda ugu sareysa dalka sucuudigu ay ku qaabileen wafdiga Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Sidoo kale safarkan waxaa ku lamaanaa ibo furka xidhiidho cusub, kuwaas oo dhax mari doono labada dal ee Sucuudiga iyo Somaliland oo xidhiidh soo jireen ahi u dhaxeeyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here