Madaxweyne Hore Loogu Xukumay 24 Sanadood Oo Xadhig Ah Oo 8 Kale Loogu Daray!

0
61
Lawadaag Asxaabta...

Madaxweynihii hore ee Kuuriyada Koonfureed Park Geun-hye oo fadeexad ay soo wajahday ayaa lagu xukumay siddeed sano oo dheeri ah, iyadoo musuqmaasuq loo haysto.

Siddeeda sano ayaa dheeri ku ah 24-ka sano ee xabsiga ahaa ee ay hadda ku jirto.

Maxkamad ku taalla magaalada Seoul ayaa Park ku xukuntay lix sano oo xabsi ah ka dib markii ay ku heshay in ay lacag si sharci darro ah uga heshay hay’adda sirdoonka ee dalkaas iyo labo sano oo kale oo loogu xukumay in ay doorashada farogalisay.

Xukunka hore ee xabsiga waxaa lagu riday bishii Abriil iyadoo lagu helay in ay ku takrifashay awoodda.

Park oo ahayd haweenaydii u horraysay ee dalkaas madax ka noqota ayaa maxkamadii xukunka ridaysay ka baaqatay iyadoo sheegtay in aysan dambi galin.

Waxay sheegtay in xukunkeedu uu salka ku hayo siyaasad, waaxda caddaaladda iyo garsoorkuna aysan arrinta daacad ka ahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here