Madaxweyne Farmajo Iyo Uhuru Oo Isku Arki Doona Addis Ababa, Maxay Tahay Ujeedada Kulankoodu, Yaase Ka Danbeeya Kulankooda (Ogow Sababta?).

0
52

Waxaa isa soo taraya wararka sheegaya in Madaxweyne Farmajo uu 13-ka Bishan u Safri doono Dalka Itoobiya halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo RW Itoobiya Dr.Abiy Axmed. 

Ujeedada Socdaalka ayaa waxaa ay jariidada Standard ee Kenya ay shaacisay in safarka uu salka ku hayo sidii dacwadda Badda ee labada dalka ka dhexaysa looga wada hadli lahaa, isla markaana wada xaajood lagu dhameeyo kiiska dacwada intii la isla tagi laha Maxkamadda, waxaa lagu wadaa in Labada Madaxweyne ee Kenyatta iyo Farmajo ay qori doona waraaq wadajir ah oo ku socota Maxakamadda Caalamiga oo lagu codsanayo in dacwadda dib loo dhigo muddo,  taas oo sabab looga dhigayo in mar kale Kenya iyo Somaliya ka wadahadlaan arintan Badda islamarkaana wadahadal ay ku dhamaystaan iyadoo loo badinayo inuu Farmaajo ka tanaasulo arintaasi oo uu u fasaxo Kenya si uu dano kale uga dhamaysto.

Haddaba arrintaas maxaa ka dhalan doona?

  1. Galka dacwada oo muddeysan kuna saf ah dacwooyinka sida degdeg ah loo qaaday 1-5 sano (Fast Track cases), ayaa laga saari doonaa safka uu hadda ku jiro waxaana la geyn doonaa bannaanka mar haddii safka laga saaraana waxaa laga yaabaa inuu qaato si loogu soo celiyo 7-15 sano amaba waligeed lagu soo celin.
  2. Waxaa jirta marin habaabin ah in dacwadda lagu sheego in lala soo noqonayo dacwadda. Waa been oo lalama soo noqon karo, laakiin waxay kuwa is dacweynayaa oo hadda ah Soamliya iyo Kenya wada jir u codsan karaan in dib loogu dhigo muddada ku dhawaaqida go’aanka Maxakamadda si ay u soo wadahadlaan mar kale, waana halka ay khiyaanadu ka jirto taas oo ay Kenya wadato waddamo kalana ay ku kaalmeynayaan, reer Farmajana ay ka dhaga la’yihiin.

Taariikh Kooban oo arrinta Badda Ku saabasan iyo sidee halkaan ku nimid.

Waxaa Kenya ay Soomaaliya u hoos gelisay oo loo saxeexay MOU waxaana si Sharaf leh u tuuray Barlamankii sagaalaad oo maanta  mahadi haka gaadhee haddii uu joogi lahaa aan laga cabsi qabeen in la fashiliyo dacwada xaqiijinta baddannada- Ogaada dacwadda ma ahan soo celin bad la qaatay ee  waa u xaqiijin Kenya iyadoo caalamka uu marqaati ka yahay inaan badannada leenahay difaacneynana waxkasta ha nagu qaadatee.

Kenya ayaa soo nooleysay arrinkii , hasa yeeshee dowladdii MW Xasan sheekh  waxayna la furay Kenya wadahallo seddex dhinac kala ahaa:

  1. Wadahal siyaasadeed oo ay labada dowladooda ay iska arkeen arrintaan dhowr jeer oo Kenya lagu xusuusinayey inaan sahal lagu qaadan Karin Baddanada taako ka mid ah.
  2. Kadib waxaa lala galay wahadallo ay ay horkacayeen culimo bad yaqaan ah oo juqoraafiyadeed waxaana si sax ah loogu muujinayey halka soohdinta ay marto oo ah halka aan ku kala baxayno sida uu qabo xeerka badaha aadduunyada.
  3. Markii intaas ay ka caga jiidday Kenya  waxaa lala galay wadahadal sharciyeed oo Kenya loogu muujinayey sida sharciga caalamiga ah uu qabo oo haddii wadahalladu ay shaqeyn waayaan in lagu kala bixi doono xeerarka Caalamiga ah sida Maxkamadda Caalamiga.Sdaaas aayaana dacwadda lagu geeyey Maxkamadda, waayo maxkamaddu ma aqbali lahayn haddii aanay jidadka wadahadallada soo xermi lahayn. Marka lagama wadahadlin iyo wadahadal baa u dhiman waa been cad oo ay dani ka dambeyso ee doqonow yaan laguugu sirin.

Balse dalka Kenya, oo hubtay walina hubta inaan guul u soo dhoweyn ilaa ay ka hesho nacas Calooshiis u shaqeyste Damiir laawe Somali ah oo dalkiisa u khiyaana, una saxeexa waxa ay rabto,  ayaa intii la doono dadaal ugu jirta inay Fashiliso dacwadda oo dib loo dhigo ama ceyriinka ay ku cunaan iyada koox tuuga ah.

Haddaba meer meeris kadib  si Somaliya uu waqtiga uu uga dhaco ayaa waxa kaliya ee Somaliya u haray waxay ahayd inay arrinka u gudbiso maxkamadda Caalamiga ah, waxayna ahayd go’aan caqli, karti iyo waddanimo ku dhisan waayo haddii Kenya ay ogaan lahayd inaan dacweyneyno waxay ka bixi lahayd maxkmadda Caalamiga oo aan lagu dacweyn Karin dal aan ka mid ahayan saxeexayaaasha maxkamadda ama ka baxa inta aan dacwad laga keenin.

Maanta waxay Madaxtooyada Somaliya soo saartay warkan “Waxaan si cad u beeninaynaa wararka been abuurka ah ee lagu baahiyay qaar kamid ah warbaahinta ee lagu sheegay inuu isbeddelay mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa baaritaan ku haya ilaha wararkan been abuurka ah.

Warkaan marka hore kama hadlayo xaqiiqda dhabta iyo waxa socda midna, waayo dowladda lama oran  Dawladda waxay badashay mowqifkeeda waxaa la yiri waxay rabtaa inay wadahadal  ka gasho dacwadda badda oo joogta dhammaad iyo  xelligii lagu dhawaaqi lahaa go’aankii maxkamadda ee Kenya loogu caddeynayey inay FARAHA kala baxdo badda Somaliya. Madaxweyne Farmajo iyo RW kheyre midkoodna kama qarsana inta jeer ee ay Somaliya iyo Kenya wadahadleen oo waxaa Xafiiska MW Farmajo yaalla feylkii dacwadda ee uu ku wareejiyey MW Xasan sheekh.

Dowladda maxay u caddeyn la’adahay in arrinka Badda in aysan wax wadahadal ah ka galeyn oo ay ka warsugeyso  Maxkamadda Caalamiga. Dowladdu maxay u sheegi weysay sababta uu MW Farmajo u aadayo Addis Abeba 13ka July 2019 oo uu ula kulmayo MW Uhuru oo xataa MW Farmajo  u diiday inuu hawidiisa dulmaro, iyadoo dhinaca kalana wasiirro Somaliyeed uu Uhuru ku bahdilay Jomo Kenyatta Airport.?

Hadalka Madaxtooyada intiisa kale macno ma maleh waa hanjabaad ay dowladaha kalitaliska ah ama kuwa is mooday inay kalitalisnimo gaareen  ay ku dhaqmaan. Xeer ilaaliyaha guud (waa Xafiiska iyo Magac iyo Sharaf badan tolow shakhsiga hayaa waa sidee) waxaa u yaalla intaas oo xeer iyo sharci oo ay ku tumatay dowladda uu ka tirsan yahay ee haku mashquulo warbaa la shegay caqli maahe.

Haddab dadka aan ogeyn ha ogaadeen; adduunyda ma jiro dal loo celiyey dhul ama bad laga qaatay inay xoog ku soo dhacsadaan maahee haddii sahal, qayli, naxariis wax la isugu celinayo reer Falastiin ayaa dhulkooda loo celin lahaa. Howd iyo Reserve area ayaa naloo soo celin lahaa , Kashmiir ayaa Pkistaan loo celin lahaa. Haddii baddaan la qaato waligeed lama so celin doono marka maanta yaan la qaadan oo talada saxan oo ah tan laga cabsanayo, afkana laga dhowrayo  ee ah in la rido dowladdaan ciddii doonto ha timadee ha lagu dhaqaaqo haddii kale waxay ku baddu mari halkii Hawd iyo Reserve area ay martay.

W/Q Axmed Daaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here