Madaxweyne Farmaajo Oo Saaka Iskugu Yeedhay Warbaahinta, Wasiirkiisa Arimaha Dibadna Ku Khasbaya Inuu U Hanjabo Dalalka Kenya Iyo Jabuuti Inaanay Somaliland Mardambe Qaabilin.

0
251

Muqdisho(Foore) -Madaxweyne Farmaajo ayaa ku cadaadinaya Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad in uu maanta la hadlo saxaafadda isla markaana uu u sheego dowladaha Kenya iyo Jabuuti in aanan mardanbe loogu dulqaadan doonin haddii ay soo dhaweeyaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi isla markaana ula dhaqmaan sidii Madaxweyne Dal Madaxbannaan.

Wasiir Cawad ayaa arrintan ka warwareegaya, waxaana Madaxweyne Farmajo uu habeenkii xalay ahaa ku yidhi “Haddii aanad berrito saxaafadda la hadlin, aniga iyo adiga waa kala tageynaa” oo macnaheedu tahay xilka ayaan kaa qaadayaa, sida xogtan aan ku helnay.

Weli lama oga waxa uu sameyn doono wasiirku balse saaxiibo ku dhow ayaa warbaahinta qaar u sheegay in ay u badan tahay in uu shir jaraa’id qabto iskuna casilo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa amarkiisi waxaa xidhiidhka diblomaasi loogu jaray dowladda Guenea oo aan Soomaaliya la lahayn wax xidhiidh ah, taasoo layaab ku noqotay dad badan.

Image may contain: text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here