Madaxweyne Caan Ku Ahaa Billad Uu Qoorta Sudho Oo Koox Tuugo Ahi Billaddii Ka Xadday

0
34
Lawadaag Asxaabta...

Billad taariikhi ah oo madaxweyne iyo marada lagu tolo ayaa lagu xaday dalka Boilivia, ka dib markii lagala baxay gaari ay dhex yaalleen, degmo ku taalla magaalada El Alto.

Sarkaal milateriga ka tirsan ayaa sheegay in ay ku jireen boorso dhabarka lagu qaato oo gaarigiisa uu uga dhex tegey, xilli uu garoonka dayaaradaha u sii socday.

Boorsada waxaa goor dambe helay booliska ayadoo kaniisad dhex taalla, ka dib markii dadku ay soo wargeliyeen.

Billadda oo dahab ahayd waxaa ku xardhanaa mujowharaad kale, waxayna da’deeda ku fac tahay markii dalkaas dhidibada loo taagay 1825, markaasoo la guddoonsiiyey geesigii qaranka ee dalkaas Simon Bolivar.

Madaxweynihii hore ee dalkaas, Carlos Mesa, oo ay soo xigatay wakaaladda AFP, ayaa xatooyadaas la barbar dhigay sidii “in la xaday taajka boqorad Elizabeth-dda labaad ee Ingiriiska”.

Madaxweyne Evo Morales ayaa lagu waday inuu xirto markii loo dabaaldegayey Arbacadii xafladda ciidanka qalabka sida, laakinse wuxuu soo muuqday isagoo aan wadan.

Sarkaalka ay fartu ku godan tahay ayaa u sii socday garoonka El Alto, oo ku yaalla galbeedka magaalada caasimadda ee La Paz, si uu ugu duulo Cochabamba oo uu ugu geeyo Mr Morales.

Sarkaalka ayaa seegay duullimaadka, alaabtana wxaa la waayey intii uu sugayey duullimaadkiisii dib loo qorsheeyey.

Markii uu gaarigiisa ku laabtay ayuu ka war helay in boorsadii lala baxay.

Askariga ayaa la xiray, baaritaan ayaana socda.

Billadda oo mujowharaadka ku xardhan uu ku jiro 22 Karat dahab ah, oo jira ku dhawaad 200 oo sano, ayaa waxaa aalaaba ayadoo ku dheggan marada lagu tolo la dhigaa khasnadda weyn ee bankiga Bolivia.

Waxaa kaliya ee la soo saaraa marka loo isticmaalayo xafladaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here