Madaxweyne Caan Ah Oo Ku Dooday In Afrika Koobka Adduunka Ku Guulaysatay Madaama Afrikaankii Soo Galootiga Ahaa Badiyeen

0
58
Lawadaag Asxaabta...

Afrika ayaa Koobka Aduunka u qaaday Faransiiska, Yurubna waa in ay joojisaa faquuqa ka dhanka ah dadka soo galootiga ah, ayuu yidhi madaxweynaha dalka Venezuela Nicolas Maduro.

Telefeshinka dawladda ayaa ka soo xigtay Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinaya magaalada Caracas oo leh:

“Xulka Faransiiska ayaa ku guulaystay, inkastoo ay u ekayd in Afrika ay ku guulaysatay. Xaqiiqatan Afrika ayaa ku guulaysatay – waana Afrikaankii soo galootiga ah ahaa ee Faransiiska tagay. Waxaan rajaynayaa in Fariintaas ay Yurub gaarto, hala joojiyo cunsurinimada Yurub ee dadka Afriko ka dhanka ah” ayuu yiri Nicolas Maduro.

Faransiiska ayaa ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka kaga badiyay Croatia 4-2.

Xulka Faransiiska oo 23 ciyaartoy ka koobnaana 15 ka mid ah wuxuu faracoodu ka soo jeedaa Afrika, waxayna u badan yihiin dalalkii uu Faransiisku gumaystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here