Madaxweyne Biixi Oo Taliye Cusub U Magacaabay Ciidanka Booliiska Somaliland, Xilkiina Ka Qaaday Taliye Ku Xigeenkii Booliiska Ee Uu Dhawaan Xilka U Dhiibay.

0
95

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu maanta si rasmi ah u magacaabey taliyaha cusub ee ciidanka booliska Somaliland kadib markii uu dhawan geeriyoodey taliyihii hore .Cabdillaahi Fadal Iiman

Madaxweyne Biixi ayaa taliyaha cusub ee ciidanka Booliska u magacaabay Sarreeye Guuto Mohamed Aadan Saqadhi (Dabagale).

Waxa kale oo uu madaxweynuhu xilkii ka qaaday Taliye ku xigeenkii Ciidanka Booliiska Faarax Maxamed Mire oo uu dhawaan xilka u dhiibay, kaasi oo maalmihii u dambeeyay ujiifay Xannuun si kedis ah ugu soo booday.

waxa uu booskaasi soo galiyay Islamarkaana uu u magacaabay Taliye Xigeenka Cusub ee Booliiska Sarkaal lagu magacaabo Xasan Cabdi oo muddo dheer Hogaanadda Ciidanka Booliiska ka tirsanaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here