Madaxweyne Biixi Oo Sheegay In Ninkii Nabadda Diida Ee Loo Taag Waayo Ay Dawladdiisu Edbinayso, Oo Xoog Wax Lagaga Qaban Doono Iyo Kornayl Caare Oo Cajalad Kale Oo Hanjabaad Ah Soo Diray.

0
237

“Hawlgalkii Ceel Afweyn Bartilmaameedkayagu Waxa Uu Ahaa Wasiiraddii Ku Sugnaa, Ee Uu Ka Midka Ahaa Boos Mire, Oo Aan Garanayo Oo Uu Aabihii Tukaankiisa Ku Aamini Waayay, Inaanu Gacanta Ku Dhigno Balse…”.Caare

Caynabo(Foore) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in qofkii Nabadda loogu taag waayo ee Nabadda diida ay Xukuumaddu talaabo adag ka qaadi doonto islamarkaana sida uu hadalka u dhigay, Nabaddu waxay tahay la bari doono oo la edbin doono.

Madaxweyne Biixi ayaa sidan ka sheegay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu Shalay u jeediyay Boqolaal reer Caynabo ah oo waftigiisa soo dhawayn balaadhan u sameeyay Shalay, waxa uu Madaxweyne Biixi si gaar ah khubadaasi carabka ugu adkeeyay in cidii garan wayday Nabadda iyo degnaanshiyuhu faa’iidada uu umadda iyo naf kasta u  leeyahay ee nabadda diida ee loogu taag waayo aanay Xukuumaddu u dul qaadan doonin isagoo dhinaca kalena fariino kala duwan u kala diray Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland iyo Maamul Xamar ka arimiya. Balse isagoo la hadlaya Shaqsiyaadka ku hawlan ama isku dayaya inay carqaladeeyaan degnaanshiyaha Somaliland ayaa waxa uu yidhi “Ninkii Nabadda Diida Ee Loo Taag Waayana Waan Edbinaynaa”. Madaxweyne Biixi.

Dhinaca kale Kornaylka jabhadda ku urursaday Cariga Puntland ee Somaliland diidka ah Kornayl Caare ayaa muuqaal uu shalay iska soo duubay waxa uu kaga hadlay Hawlgal uu sheegay inay Laba cisho ka hor qaar ka tirsan jabhaddiisu ka fuliyeen Magaaladda Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag ee Somaliland, kaasi oo uu sheegay inay ku bartilmaameedsanayeen Wasiiro Xukuumadda ka tirsan oo halkaasi ku sugnaa oo Waftiga uu hogaaminayo Madaxweynuhu oo ku waajahan usii wado xaadhayay, waxa kale oo uu sheegay inay sii kordhinayaan dagaalka ka dhanka ah Xukuumadda Muuse Biixi waxaana uu yidhi “Waxaanu galaynaa Dagaalo Isdaba Joog ah, Meel kasta oo Laga soogalo Hargeysa Waanu naqanaanaa, Ciidamaduna way ku sugan yihiin Hawdkeeda,Woqooyigeedaba, Galbeedkeeda iyo Barigaba, Gudaheedana way ku nool yihiin, waxaa la yidhi Maska Madaxa ayaa laga dilaa, hadaan Caasimada la weerarin, halka ay kujiraan ragga baabiinaya dalka”.

Waxa kale oo uu muuqaalkaasi hanjabaadda ah ku yidhi“Markaan ka waramo Hawlgalkii, Bartilmaameed ayuu lahaa, Wasiiraddii ku sugnaa Ceel Afweyn ee uu ka midka ahaa Boos Mire, horta marka ugu horaysa Boos, Mire Maxamed Nuux ayaa dhalay, Tukaankiisii ayuu ku aamini waayay, ilmaadeer ayaanu nahay, ayaan darro waxa ah Muuse Wuxuu ka dhigtay Wasiir Ciyaaraha, Aniga laftigay waxaan odhan karayaa isaga laftigiisa ayaa qiimeeyay oo maskixiyan ayuu u qiimeeyoo inuu Wasiirka Ciyaalka ka dhigto markuu arkay ayuu u door biday, intaasi waa intaas ku fogaan maayo gacantayda ayaanu soo galayaa haddii Alle yidhaahdo, wuxuu doono ha igu sheego, Gacan ku dhiigleh ha igu sheego, nin Beelo isku diraya ha igu sheego, taargatkaygu waxa weeyi inaan Madaxa ka dilo, oo aan Wasiiradda qab qabto, Saraakiisha Qab qabto”

Ugu dambayn waxa uu ku yidhi“Waxaananu ku soo guulaysanay, Hawlgalkii, waxyeelana ma dhicin, anigu Ceel Afweyn ayaan weeraray, Ceel Afweyn anaga ayaa leh, deegaankaygii weeyaan,kamana daynayo Iyada iyo Ceerigaababa Hawlgalada (Operation) nin walawba ilaasho Inankaaga, haddaad odhan doonto Qori ayaa la furtay , inan ayaa la dilay, waxbaa la qaatay, imika ka kaxayso inankaaga, walaahi waa weerarayaa oo dayn maayo, aniga oo aan beel u eegayn, Ciidamada halkaasi ku sugan waxaan leeyahay 300-km ayaan kasoo dhaqaaqay, xabadda ayaa lagu war helay, walaahi Gudaha ayaan ka bilaabayaa ama Samada kaga soo dego ama Aan Xeebta kaga imaado, Qoladda Warsengali, nin yahaw maan weerarin Meesha Carmaale la yidhaahdo, Ceel buux maan weerarin, Badhan maan weerarin,  boqortooyadda waxaan leeyahay waa inamadiina dulman ee baabuurka ay biyaha ku dhaansadaan loo diiday”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here