Madaxweyne Biixi Oo Safar Kedis Ah Ku Tagay Shalay Saylada Hargeysa, Kalanna Kulmay Dhacdooyin Yaableh “Madaxweyne Tanwaangida Halkaasi Taalaa Waa Fooljari Oo Way Madhan Yihiin, Adhiga Maalintii 6-Kun Oo Neefbaa Dhinta,Geelluna..”.

0
138

“Muruq Maalka Saylada Xoolaha Oo Madaxweyne Biixi Hortiisa Ku Karbaashay Maayar Xigeenka Hargeysa Oo Isku Dayay Inuu Qariyo Fadeexdaha Dul Hoganaya Masuuliyaddii D/Hoose Ee Saylada.

Hargeysa, February 7, 2019- (Foore) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay Si kedis ah socod lug ah ku soo maray Gudaha Sayladda Iibka Xoolaha ee Hargeysa, halkaasi oo uu Warbixino kaga dhagaystay Gudida Odayaasha Sayladda kuwaasi oo Madaxweynaha Hortiisa ku garbaashay Maayar ku Xigeenka Golaha Deegaanka Hargeysa, iyagoo sheegay inaanay xiitaa biyihii Xoolaha la waraabinayay helin, taangiyo dawladda hoose Sayladda keentay ay yihiin kuwo Fooljari ah oo aan wax biyo ah lagu shubin, Sidoo kale waxa ay sheegeen in Dhismaha Dayrka Sayladda oo Hay’addi u dhistay ay bur bureen, waxay Madaxweynaha ka codsadeen inuu arimahaasi wax kala qabto.

Hadalka Odayaashu Madaxweynaha u jeediyeen waxa ka mid ahaa “Madaxweyne Dhibka na haysta waxaa ka mid ah, Xoolihii way naga xidhan yihiin,Waxaanu doonaynaa Xoolaha wixii aad ka qaban kartaa inaad ka qabataan, sida kale waanu nibcaysanahay, idinkana waxaanu idiinka baahanay wax qabad,waayo dayrkaa Hay’ad ayaa noo dhistay, imika wuu naga soo yar dayacmayaa, Albaabaddii iyo waxbaa naga xuno oo waxaanu doonaynaa in wax laga qabto, idinka iyo Dawladda hoose, idinkuna wixii karaankiina ah waad nala qabanaysaan, Hankarro ayaanu u baahanahay, Hadh ayaanu u baahanahay, Biyo ayaanu u baahanahay, Biyo Xooluhu cabaan, Taangiyaddii waaku halkaasi saaran, dee Biyihii ayaa naga dhiman”.

Sidoo kale waxay yidhaahdeen“Waa madaxweynihii koowaad ee isagoo shicibkiisa dhex lugaynaya noogu yimid Sayladda maanta, waxaa lagu xantaa inaanu Booli gaadh suuqiisa ku marin laakiin saaka waa lagu badan yahay, Madaxweyne waxaan leeyahay, Hadalka waxba lama qariyo, Tawaangida biyaha ee halkaasi saarini waa FOOLJARI, waa la saaraa, booyad madhan ayaa la keenaa, waa laga noqdaa, waa fooljari weeyi, Xoolaha, Adhiga maalintii lix kun oo neefbaa dhinta lama kaantaroolo, Geelu waa la mid, Xoolaha in la kaantaroolo oo cid loo sameeyo oo waxa dhaqaalaheena kasoo baxaya loo sameeyo, oo odayaasha loo sameeyo oo Dawladda hoose hogaamiso Madaxweyne Sidaasi ayaanu kaa doonaynaa, waananu kuu ducaynaynaa”.

Goobta waxaa ku sugnaa Maayar ku xigeenka Dawladda hoose ee Hargeysa Cabdicasiis Cagaweyne,waxaanu isku dayay inuu carqaladeeyo Makarafoonka iyo xog waranka odayaasha sayladdu siinayeen Madaxweynaha balse waxaa taasi ka diiday oo indho Kulul ku eegay Madaxweynaha oo aad ugu heelanaa inuu wada ogaado xaaalada dhabta ah ee ka jirta Sayladda Xoolaha Hargeysa oo uu markii u horaysa tagay muddadaasi uu xilka hayay. Maayar ku xigeenka oo markii dambe Makarafoonka loo dhiibay ayaa  waxa uu yidhi “Madaxweyne, Gudoomiyihii Sayladdu maanta wuu xanuunsayaa, Gudi shan iyo toban ah ayaa maamusha oo Dawladda Hoose la shaqaysa,wax kasta oo ka dhiman, Madaxweyne anagoo amarkaaga fulinayna waanu u qabanaynaa, Biyaha, Albaabadda iyo wax walba waanu u qabanaynaa”.

Dayaca Masuuliyadda Dawladda Hoose ee HARGEYSA Waa uu sii badanayaa, maalinba in ayaa meel loogu tagayaa, waxaanay arintani ku soo beegmaysaa wakhti la saadaalinayo inuu Madaxweyne Biixi kala diro Goleyaasha Deegaanka Dalka kadib markii ay meesha ka baxday qorshe korodhsiimo ah oo loo sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here