Madaxweyne Biixi Oo Ka Qosliyay Boqolaal Arday “Madaxweyne Siilaanyo Laba Sanno Ka Bacdi Ayuu Gadh Cirro Leh Yeeshay, Adiguna Sanadkii U Horeeyay Ayaad……”

0
131
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, August 30, 2018- (Foore)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horaysay soo bandhigay Kalmado ka qosliyay kumanaan iskugu jiray Arday, waalidiin, Macalimiin iyo masuuliyiin kale,kuwaasi oo ku sugnaa Munaasibad Qalin jabin ah oo loo qabtay Arday tiro badan oo ka qalin jabisay jaamacadda Hargeysa University ee Magaalada Hargeysa, oo uu Madaxweynuhu kala qayb galay.

Madaxweynaha ayaa waxa uu ka sheekeeyay fariimo aad uga qosliyay dadkii madasha joogay oo uu sheegay inay mudooyinka dambe uga yimaadaan Saaxiibadii,Dad dhalinnyaro ah iyo dad da’ walba leh,kuwaasi oo uu sheegay inay u badan yihiin su’aalo qaarkood Baraha Bulshada loo soo mariyo,oo si gaar ah u taabanaya shaqsi ahaantiisa. Waxa uu sheegay in dadka qaar ku yidhaahdaan waad gabawday iyo cirro-dii ayaa kugu badatay,isagoo sidoo kalena sheegay inay illaa xaataa dadkaasi qaarkood gaadhsiiyaan oo ay isbar bardhig ku sameeyaan isaga iyo Siilaanyo sida ay cirro-du ugu soo kala horaysay,isagoo uga jeeda dhinaca Hawsha Madaxtinimadda. Waxana uu sheegay inay dadka qaar ku yidhaahdaan waa gabawday durba isagoo intaasi raaciyay inaanu da’da iyo Hawsha Kursiga taala midnaba aanay war war ku hayn ee wixii uu qaban karo uun itaalkiisa uu qaban doono.

Waxa ka mid ahaa hadalkiisa “Maalmahan “Qosol yar kadib” Waxaa ii yimaada Fariimo Faro badan,iyo su’aalo badan ayaa iiga yimaado dad da’ walba leh, kuwa illa da’da ah ee ragga u badan, dhalinyaradda jaamiciyiinta oo da’ walba leh, iyo Social Media, waana wax aniga shaqsiyan igu saabsan, qaar waxay igu yidhaahdaan gadh wiiqo, qaar waxay igu yidhaahdaan Madaxweyne,qaar waxay igu yidhaahdaan Saaxiib, Qaar waxay igu yidhaahdaan adeer, qaarna waxay igu yidhaahdaan Awoow,qaar waxay igu yidhaahdaan maxaa kugu dhacay waadigan cirooboo oo gadh cirro leh ayaa kasoo baxaye. Madaxweyne Siilaanyo laba sanno ka bacdi ayuu Gadhkaasi cirrada lehi kasoo baxaye adigu sanadkii u horeeyay ayaad wada cadaadatee maxaa kugu dhacay ayay I Waydiiyaan?”.

Waxa kale oo uu yidhi: “kuwa igu yidhaahda inta badan waxan iska xiir waa rag oo dumarba maaha, waxaan ogaaday inay ragga Soomaalida ahi da’da neceb yihiin,Maxamed kaahinba ka bilaw da’da way neceb yihiin,  waar Cilmi baadhis ayay u baahan tahay(Research),Sababta aynu Da’da u nacno. Su’aashaas fasir maayo,laakiin waxaan doonayaa dhalinyarada maanta qalin jabinaysa iyo kuwa kale inaanay afartan sanno ka bacdi da’da ka cararin ee ay ku faanaan Cirro-da” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here