Madaxweynaha Wayeelka ah ee Aljeeriya oo Xilka Ka Degaya

0
181

Madaxweynaha waayeelka ah ee dalka Aljeeriya Cabdicasiis Bouteflika ayaa ku dhawaaqay inuu xilka ka degayo ka hor 28ka bishan April , sida ay baahisay Wakaalada wararka ee APS ee dalkaasi.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha waxaa lagu yidhi, in madaxweynuhu uu qaadi doono tallaabooyin lagu hubinayo in hay’adaha dowladu ay sii shaqayeen xiligi kala guurka.

Iscasilaada madaxweynaha ayaa imaanaysa ka dib markii Taliyaha milteriga dalka Aljeeriya Gen.Ahmed Gaid Salah uu ku baaqay in Baarlamaanka wadankaasi ay xilka ka qaadaan Madaxweynaha oo uu sheegay inuusan gudan karin shaqadiisa.

Tan iyo bartamihii bishii Feberaayo shacabka Aljeeriay ayaa dhigayay mudaharaadyo looga soo horjeedo in Madaxweyne Bouteflika oo ah 82 sano jir uu markii 5aad xilka u tartamo doorashadii la qorsheeyey inay dhacdo bisha soo socota ee April.

Sida uu dhigayo dastuurka wadankaasi, waxaa bedeli doonaa madaxweynaha iscasilay guddoomiyaha aqalka ee barlamaanka, kaasi oo xilka hayn doona muddo 90 maalmood, kadibna waxaa la qaban doonaa doorasho madaxtinimo.

Cabdicasiis Bouteflika waxaa uu dalkaasi Aljeeriya soo xukumayay ilaa 1999kii, waxaa lagu xasuusan doonaa inuu soo afjaray dagaalkii dhiiga badani ku daatay ee u dhexeeyay milateriga wadankaasi iyo xisbiyadii Islaamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here