Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Xoghayaha Gaashaan-dhigga Dawladda Ingiriiska Oo Booqasho Kedis Ah Ku Yimid Dalka

0
101
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, January 7, 2019- (Foore)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay Xafiiskiisa ku qaabiley Wasiirka Difaaca ee Dalka Ingiriiska, Mudane Gavin Williamson oo booqasho rasmi ah ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan oo ahaa mid saacado qaatay ayaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska oo ay Somaliland xorriyadeeda ka qaadatay 1960-kii, iyadoo safarka wasiirkuna uu yahay safarkii u horeeyey ee masuul haya xilka wasiirka difaacu uu ku yimaado Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo in la sii xoojiyo cilaaqaadka labada dal ee Ingiriiska iyo Somaliland, lana dar-dar geliyo horumarinta arrimaha iskaashi ee ka dhexeeya labada waddan.

Waxaa Madaxweynaha kulankan ku wehelinaayey Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, gashaandhigga iyo Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan Dalka Ingiriiska Marwo Ayaan Cashuur.

Waa markii labaad ee muddo sannad ku siman uu wasiirkii labaad ee Ingiriis ahi soo gaadho Somaliland isaga oo uu dalka hore u yimid Wasiirka Arrimaha Afrika u qaabilsan dawladda Ingiriisku.

Dawladda Ingiriiska ayaa Somaliland ka taageerta arrimo badan oo ay ku jiraan tababarrada iyo arrimaha ciidamadu waxaanay door weyn ku leedahay deeqaha Somaliland ka hesho dalalka Yurub isaga oo Ingiriisku inta badan deeqaha Somaliland u soo mariyo hay’adda gargaarka arrimaha dibadda Ingiriiska ee DFID halka uu sidoo kale ka mid yahay dalalka wax ku darsada Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee loo yaqaano SDF.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here