Madaxweynaha Shiinaha Oo Si Lama Filaana Loo Arkay Isagoo Saf Ugu Jira Huteel Yar Oo Laga Cunteeyo

0
121
Lawadaag Asxaabta...

Madaxweynaha Wadanka Shiinaha Xi Jinping ayaa si lama Filaan ah Maalinimadii Sabtidii aynu soo dhaafnay waxa uu u galay Huteel yar oo goob waddo ah ku yaalla kadibna inta uu dadkii goobtaasi wax ka iibsanayay is garab taagay isna dalbaday Kackac duban oo huteelkaasi yar lagu iibinayay iyada oo aanay haba yaraatee la socon cid ilaalo ahi.

Inkasta oo Xi Jinping Hogaamiye u yahay shacabka adduunka ugu tiro badan haddana waxa uu hab aad u dabacsan u dhex mushaaxay jidadka waddooyinka caasimadda wadanka Shiinaha ee Beijing isaga oo aanay haba yaraatee la socon ilaaladiisa gaarka ahi sida dadka caadiga ahna suuqa u tagay si uu nolosha caadiga ah ee dadkiisa ula qaybsado.

Mid ka mid ah dadkii Huteelka lagu magacaabo Jing Fing Hotel u soo doontay Quraaca ama Kackaca macaan ee lagu yaqaano hutelkaasi ayaa si lama filaan ah waxa uu u arkay Madaxaweynaha wadankiisa Xi Jinping oo ag taagan wax ka yar hal tallaabana u jira. Xin Mutin oo ah Muwaadinka reer Beijing ayaa markiiba Moobilkiisa gacanta la soo baxay sawir qurux badana ka qaaday Madaxweynihiisa oo dadkii kuyuuga safka kula jira diyaarna u ah in uu iibsado Quraac Shiilan (Kackac) qiimihiisu yahay 16 Yuan oo Lacagta Shiinaha ah oo u dhiganta 2,60 Laba Doollar iyo Lixdan Senti.

Ninkii Madaxweynaha garawsaday ayaa dadkii goobta joogay waxa uu si hoose mid mid ugu sheegay in qofkan Keegga iibsanayaa yahay Madaxweynihii qarankooda dhamaantoodna inta ay ku naxeen ayay sawiro la galeen iyaga oo aad ugu farxay fursadda ay u heleen in ay Madaxweynahooda goob kula cunteeyaan. Qaddar 5 daqiiqadood ah ayuu Madaxweynaha wadanka Shiinuhu goobtaasi joogay isaga oo markii dambe gaadhigiisa gaarka ah iska kaxaystay oo si degdeg ah ugu laabtay qasrigiisa. Ujeedada sidan uu Madaxweyne Xi Jinping u sameeyey oo warbaahintu wax ka waydiisay waxa uu ku jawaabay:

“Waxaad ogtihiin in dadkeenu ka cabanayaan Huteelada yarar hoos u dhaca dhaqaale ee ku yimid oo dadku jecel yihiin in ay lacago badan ku bixiyaan Huteelada waaweyn. Waxaan jeclaystay in aan dhiirri geliyo Huteelada noocan oo kale ah ee waddooyinka ku yaalla ee qiimaha ay wax ku iibiyaan jaban yahay si aan dhaqankeena u ilaalino. Waxaan ka soo iibsaday huteelkaasi yar Quraac shiillan oo macaan waxaanan saf la galay dadkii wax ka iibsanayay iyaga oo aan I ogayn balse markii dambe iga war helay”. Ilaaladii Madaxweynaha ayaa goor dambe ka war heshay in Madaxweynuhu si qarsoodi ah xafiiskiisa uga baxay oo uu suuqa u baxay kuna war helay oo kali ah warkii warbaahintu ka qortay arrintan madaxweynaha. Waa markii labaad ee muddo dhawr bilood gudahood ah ee Madaxweynaha Shiinuhu si qarsoodi ah ugu baxo suuqyada Beijing. Warbaahinta shiinaha ayaa si weyn u baahisay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here