Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Ee Puntland Mr Siciid Cabdilaahi Deni Oo Arin Cusub Ka Dhawaajiyay “Argagixisada Rag Kaliya Maaha Waxaa Jira Kuwa Dumar Ah”. DAAWO

0
152

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Ee Puntland Mr Siciid Cabdilaahi Deni Oo Arin Cusub Ka Dhawaajiyay “Argagixisada Rag Kaliya Maaha Waxaa Jira Kuwa Dumar Ah”. DAAWO

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo khudbad ka jeedinayay maanta munaasabada xuska maalinta haweenka dunida ayaa sheegay in ay jiraan dumar badan oo ka tirsan kooxaha loogu yeero argagixisada.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in mudooyinkii ugu dambeeyay magaalada Boosaaso lagu arkay dumar hubeysan oo ku jira kooxahan kuwaas oo hanjabaad u jeedinaya qeybaha bulshada taasoo uu sheegay in ay tahay halis horleh oo dhinaca amaanka ah.

Hada argagaxisada dhibka haysa rag kaliya maaha dumar bastoolada sitana waa la sheegayay oo dadka dhibay, magaalada Boosaaso hada waxaa la yiri dumarkaa u badan oo aad ugu hanjabaaya dadka marka cilad horlaa soo baxday oo u baahan in wax laga qabto.

Madaxweyne Deni ayaa haweenka Puntland ugu baaqay in ay ku biiraan ciidamada Booliiska si ay uga qeyb qaataan ilaalinta nabadgelyada.

Waxaan rajeynayaa in gabdhuhu ay ciidamada soo galaan oo ay Booliiska soo galaan ayna qeyb ka qaataan nabadgelyada oo aanay kaliya jagooyinka siyaasadeed raadinne waxaa la rabaa in qeybaha dowlada oo dhan ay ka shaqeeyaan.

Hadalka madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa kusoo aadaya xili magaalooyin ay kamid tahay Boosaaso ay ka dhacaan falal ka dhan ah amaanka oo ay geystaan kooxaha Alshabaab iyo Daacish.

Horseed Media 2019

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here