Madaxweynaha Jabuuti oo Khudbad u jeedinaya Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka

0
34

Muqdisho (Foore)- Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo shalay safar shaqo ku gaadhay magaalada Muqdisho, ayaa maanta la filayaa inuu khudbad u jeediyo xildhibaanada labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa kulan ku yeelanaya xarunta Tababarka ciidamada ee Iskuul Baluuziya ee magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in Khudbad dhinacyo badan taabaneyso uu uu jeediyo xildhibaanada.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana gabi ahaanba la xidhay waddooyinka gala xarunta ciidamada Tababarka oo uu maanta ka furmayo kulamada baarlamaanku.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa dib loo dhigay furitaanka Kalfadhiyadooda, waxaana loo sababeeyay xiisadda u dhaxeysa labada aqal ee baarlamaanka, iyadoo xalay xildhibaanada fariimo loo diray.

Guddoomiyaasha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan kulanka maanta ka dhaceya magaalada Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here