Madaxtooyada Oo Ku Ceebowday War-saxaafadeed Ay Kaga Hadhashay Sababtuu M/weyne Biixi Uga Baaqday Qalin Jabinta Jaamacadda Burco Oo Dareenno Dhalisay!

0
66
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, September 8, 2018- (Foore)- Madaxtooyada Somaliland ayaa Ceebtii ugu Cuslayd kala kulantay Warsaxaafadeed ka soo baxay oo ay kaga hadashay sababta uu Madaxweyne Muuse Biixi uga qayb galin waayay Munaasibad Qalin jabin ah oo Doraad loo qabtay Arday ka qalin jabisay Jaamacadda Magaalada Burco, kaasi oo ay dad badan u turjunteen inay  u dhignayd qaab Xisbinimo.

War Warsaxaafadeedkan kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland ayaa lagu sheegay sababta uu Madaxeweyne Biixi uga qayb gali waayay  Munaasibaddii Qalin jabinta Jaamacadda Burco mid ay sababteeda lahaayeen Masuuliyiinta jaamacadda Burco oo aan Madaxweynaha ku soo casuumin munaasibadaasi. Arintaasi ayaa aad loogu faaqiday Baraha bulshada, waxaanay aragtiyo baddan oo siyaasadeed u sibir saareen inaanu Warsaxaafadeedkaasi huwanayn haybaddii hogaaminino ee uu u egyahay kii ka soo bixi jiray Xisbiga Kulmiye. sidoo kale waxa meesha ka maqan oo la  dareemay doorkii Wasaaradda Waxbarashadu ku lahayd Munaasibaddahan oo kale iyadoo aanu xiitaa tagin Wasiirka Waxbarashadu.

War-Saxaafadeedka Kasoo Baxay Madaxtooyadda Ayaa U Dhignaa Sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu hambalyo u dirayaa Ardayda ka qalin-jebiyey Jaamacadda Burco ee gobolka Togdheer maanta oo ay taariikhdu ahayd 06-09-2018, oo ahayd dufcadii siddeedaad ee loo qabto munaasibadda qalin-jebinta.

Hambalyadaa ka dib waxa aan Ardayda iyo waalidiinta u cadaynayaa haba-yaraatee in aanay jirin cid madaxweynaha soo gaadhsiisay marti-qaadka Xafladda qalin-jebinta Jaamacadda Burco ee gobolka Togdheer, sidaa awgeed waxaan u sheegayaa cid kasta oo filaysay inuu madaxweynuhu kala qayb-galo munaasibadda qalin-jebinta Ardaydaasi in aan madaxweynaha la soo gaadhsiin marti-qaadkii qalin-jebinta Jaamacadda Burco oo masuuliyada marti-qaadku saarnayd maamulka jaamacadaas.

Marti-qaadyada Jaamacaddaha dalku u fidiyaan madaxweynaha ee ka qayb galka munaasibadahooda waxa lagu wargeliyaa maalmo ka hor Waxaana masuuliyada qaladkaasi dusha ka saaran yahay maamulka jaamacadda Burco oo aan iyagu marti-qaadka munaasibada aan soo gaadhsiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale agaasimaha guud ee madaxtooyada Somaliland, ee ka qayb-galay xafladda qalin-jebinta jaamacadda Burco, wuxuu safar u gaara oo la xidhiidha shaqadiisa ku marayey gobolada bariga Somaliland. Ugu danbayn waxa madaxweynuhu ardaydaas qalin jebisay u rajaynayaa inaay noqdaan kuwii dalkooda diintooda iyo dadkooda ku anfaca cilmigaa ay barteen”. Afhayeenka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here