Madaxtooyada Oo Ku Ceebowday Markii Afhayeenka Madaxweynuhu Safiir Ku Sheegay Ku Xigeenka Danjiraha Maraykanka U Jooga Somalia

0
257
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, August 06, 2018- (Foore)- Waxa ay noqotay arrin layaab leh Waji gabaxna ku ah Milgaha Qasriga Madaxtooyada Somaliland in ay sidan oo kale dhacdo kadib markii dorraad uu Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Md. Maxamuud Warsame Jaamac ku xigeenka Safiirka Maraykanka Soomaaliya u qaabilsan oo lagu magacaabo Martin Dale uu ku sheegay Safiirka Soomaaliya iyo Somaliland kaasoo kulan la yeeshay Madaxweynaha Qaranka Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Safiirka dalka Soomaaliya iyo Somaliland u qaabilsan dalka Maraykanka ayaa ah Ambasador Yukio Yamamoto oo dabayaaqadii Bishii July uu Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump u soo magacaabay dalka Soomaaliya kadib markii uu dhawaan is casilay safiirkii hore ee dalka Maraykanka u qaabilsanaa Somaliland iyo Soomaaliya Amabsaddor Stephen Schwartz.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo warbaahinta uga warramayay kulanka dorraad dhex maray Madaxweyne Muuse iyo ku Martin Dale ayaa waxa uu yidhi sidan: “Kulankan maanta qasriga Madaxtooyada ku dhex maray safiirka Maraykanka u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambasaddor Martin Dale iyo Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayay Safiirka iyo Madaxweynuhu kaga wada xaajoodeen amuuro badan oo khuseeya arrimaha Geeska Afrika iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland. qodobadii ay safiirka iyo Madaxweynuhu ka wada hadleena waxa ka mid ahaa Xiisadda ka taagan deegaanka Tukaraq ee gudaha Somaliland iyo arrimo kale oo badan”

Nasiib darro ninkan uu safiirka ku sheegay Afhayeenku sida aan sheegnay waa ku xigeenka safiirka dalka Maraykanka u qaabilsan Soomaalida mana aha safiirka sida uu Afhayeenku sheegay, diblomaasi ahaana waxa nasiib darro ah in Afhayeenku nin aan xilkaasi hayn ku sheego iyada oo ay ahayd in Madaxtooyadu iska hubiso arrimaha noocaasi oo kale ah.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa Ambassador Donald Yukio Yamamoto waxa uu usoo magacaabay safiirka cusub ee Mareykanka u jooga Soomaaliya dabayaaqadii Bishii aan soo dhaafnay ee July. Ambassador Yamamoto ayaa hore madax uga ahaa xafiiska Waaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, waxaanu ugu qaabilsanaa Qaaradda Afrika.

Sanadihii 1997-dii ilaa 1998-dii ayuu danjire Yamamato ahaa safiirkii kumeel-gaadhka ahaa ee Mareykanka u fadhiyay dalka Eritrea, isagoona weliba soo noqday safiirkii Mareykanka u fadhiyay Itoobiya intii u dhexeysay sanadihii 2006-2009-kii, isla sidoo kale sanadihii 2000 ilaa 2003-dii ayuu danjire Yamamato Mareykanka ugu magacownaa Jabuuti.

Magacaabista safiirka cusub ee ay dowlada Mareykanka usoo magacowday Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya, xili bishii September ee sannadkii aan soo dhaafnay uu shaqadii safiirnimo iska casilay Danjirihii hore ee Maraykanka u fadhiyay Soomaaliya Stephen Schwartz  kaasoo warqadiisa istiqaalada u gudbiyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here