Machadka Heritage Oo Baahiyey Khaladaadka Diblomaasiyadeed Ee Soomaaliya Waxa Ay Ku Wayday Safashadii Ay Ku Raacday Qadar

0
70
Lawadaag Asxaabta...

Muqdisho, August 18, 2018- (Foore)- Mac-hadka cilmi-baadhista siyaasadda ee Heritage ee ku yaalla Muqdisho ayaa daraasad cusub kasoo saaray wax uu ku tilmaamay ‘gebi-dhaclaynta’ siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna mac-hadku soo jeediyay tallooyin ‘wax-ku-ool ah’ oo ku habboon dawladda dalkaasi Soomaaliya.

Daraasadda waxaa lagu bilaabay gefafkii waaweynaa ee xagga dublamaasiyadda ee taariikhda ka dhacay dalkaasi Soomaaliya, waxaana tusaale loosoo qaatay in markii uu dhacay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya sannadkii 1977-dii.

Waxaa daraasadda lagu sheegay in waraaqo sir ah oo uu faafiyay bogga seeri-afuufka ee Wiki Leaks uu soo bandhigay caddeymo ku saabsan in xulufadii Soomaaliya ee Sucuudiga, Liibiya iyo Yemen iyo xitaa Maraykanka ay la safteen Itoobiya, taasna ugu wacnayd gefkii dublamaasiyadeed ee ay gashay.

Taasi waxa ay jabisay qabkii ama isla qabweynidii Soomaalida, xukunkii kaligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre kama aanu soo kabsan dhibaatadii kasoo gaadhay dagaalkii Itoobiya” ayaa lagu yidhi daraasadda.

Qudha 40 sano kadib xilligaas, taariikhda ayaa u muuqata in ay markale dib ugu laabanayso halkii, balse markan waa ay kasii walwal badantahay” ayay daraasadda intaas ku dartay.

Khilaafka Khaliijka

Daraasadda ayaa aad loogu lafo gurey in go’aankii dhexdhexaadnimada ee ay Soomaaliya ka qaadatay khilaafka dalalka Carabta ee xulufada Sucuudiga oo dhinac ah iyo Qatar oo dhinac.

Waxaa lagu sheegay in ay dowladda Soomaaliya loo arkay in ay u janjeedho dalka Qatar, balse ay dad badan la yaabeen, waxa ay ugu xilatay Qatar, kuna lumisay kalsoonida dalalkii xulufada soo jireenka ahaa sida Sucuudiga, Imaaraatka iyo Masar.

Xitaa booqashooyinkii madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre ay ku tageen Riyaad iyo Abu Dubai ma aanay soo hagaajin xidhiidhka xumaaday ee Soomaaliya iyo dalalkaas” ayaa lagu yidhi daraasadda Heritage, oo intaas ku dartay in Sucuudiga uu Soomaaliya dib ugu soo celiyay 27 kun oo adhi ah, xilli lagu dhowyahay munaasabadda Ciidda Carafada oo xoolaha la qalo.

Waxaa xusid mudan in tallaabada Sucuudiga ay kusoo hagaagtay maalmo uun kadib markii dowladda dalkaasi Soomaaliya ay la safatay Sucuudiga markii ay is qabteen Canada, go’aankaas oo daraasadda ay ku tilmaamtay mid uu degdeg badani ka muuqday.

Tallooyin

Daraasadda waxaa lagu soo jeediyay tallooyin dhawr ah, waxaase ugu muhiimsan laba talo.

Tan koowaad waxa uu machadku ku sheegay  in siyaasadda arrimaha dibedda dalkaasi Soomaaliya lagu dhiso wax loogu yeedhay ‘dublamaasiyadda ganacsiga’ taas oo ah in go’aamada lagu saleeyo hadba danaha ganacsi ee Soomaaliya.

Sucuudigu waxa ay dhoofsadaan inta badan xoolaha Soomaaliya, halka Imaaraatku uu yahay dalka ganacsiga ugu badan ay la leedahay Soomaalida dalalka adduunka oo dhan.

Daraasadda ayaa waxaa lagu sheegay in dhanka kale Qatar aanay jirin wax la taaban karo oo ka dhaxeeya, sidaasi oo ay tahay saamayn badan ay ku yeelatay dowladda Soomaaliya.

Tallada labaad ayaa machadku ku sheegay in inkasta oo dastuur ahaan dowladda dhexe xaq u leedahay dajinta siyaasadda arrimaha dibedda dalkaasi Soomaaliya, haddane ay wanaagsanaan lahayd haddii ay la tashan lahayd dowlad goboleedyada iyo dadka kale ee saamilayaasha dalka ah iyada oo ay mar walba qarxaan khilaafaad iyo kala socod u dhaxeeya dawladda dhexe ee dalkaasi Soomaaliya iyo maamul goboleedyadeedu oo ay ugu dambaysay khilaafka u dhaxeeye Villa Somalia iyo Jubbaland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here