Macalin Niyad Jabiyey Ronaldo Iyo Messi Markii Uu Sheegay Inaanay Ku Guulaysanayn Championka

0
129

Kooxaha Barcelona iyo Juventus oo saadaasha hanashada Champions League ee xili ciyaareedkan ugu horreeya, midkoodna kuma guuleysan doono tartanka ay wax walba u samaynayaan, sida uu aaminsan yahay tababarihii hore ee Bayern Munich Ottmar Hitzfeld.

Lionel Messi ayaa xili ciyaareedkan dhaliyey 43 gool dhamaan tartamada, waxaanu u muuqdaa in looga hadhay kabta dahabka ah, balse dhinaca kale Ronaldo ayaa saxeexay 24 gool intii uu Juventus joogay, kuwaas oo ay ku jiraan saddexlaydii uu ka dhaliyey Atletico Madrid ee uu Juventus ku keenay wareegga siddeedda ee Champions League.

Juventus ayaa horyaalka Talyaaniga ee Serie A ku guuleysanaysa toddobaadka soo socda oo ay u baahan tahay hal dhibic oo kaliya xilli ay dhamaadka tartankana ka hadhsan tahay toddoba ciyaarood, laakiin Barcelona ayaa u baahan saddex ciyaarood si ay ugu damaashaaddo hanashada horyaalka.

Inkasta oo ay waxqabadkaas fiican sameeyeen, haddana labadooda midkoodna ma taagna halkii uu joogi jiray, waxaana ku yimid hoos u dhac sida uu aaminsan yahay Ottmar Hitzfeld.

Tababarahan hore waxa uu sheegay in Champions League ay ku guuleysan doonaan Manchester City ama Liverpool oo uu xusay inay yihiin kooxo dheellitiran marka loo eego Juventus iyo Barcelona oo min hal qof oo hoos u dhacay ku tiirsan.

“Waxaan rumaysanahay in koox Ingiriis ah ay haysato fursad kale sannadkan. Waxyaabo badan oo caawinaya ayay haystaan, sababtoo ah Messi maaha heerkiisii cajiibka ahaa ee wanaagsanaa, sidaas oo kalena Cristiano Ronaldo ayaa ah. Wali goolal wuu dhaliyaa, laakiin way ku adkaanaysaa inuu Juventus keeno afarta ugu dambeeya inkasta oo ay taatiko ahaan ay heersare yihiin.” Sidaas ayuu yidhi Ottmar Hitzfeld oo u warramayay warbaahinta Omnisport.

“Waxay iila muuqataa inay koox Ingiriis ah guuleysan doonto gaar ahaan Manchester City ama Liverpool. Midkood ayaana hubaashii gaadhi doona Finalka.” ayuu ku daray Ottmar Hitzfeld.

Barcelona ayaa habeen dambe la ciyaari doonta Manchester United oo ay ugu tegayso Old Trafford, sidaas oo kalena Juventus ayaa safar ugu tegaysa Ajax oo ay kula ciyaarayso Amsterdam habeenimada Arbacada, halka Liverpool iyo Man City ay caawa la dheelayaan FC Porto iyo Tottenham.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here