Maamulka Iyo Shaqaalaha Shirkadda Indhabirta Oo Si Adag Uga Jawaabay Hadalkii Kasoo Yeedhay Wasiirka Macdanta Walina Shaqaalahoodii Xidhanyihiin

0
62
Lawadaag Asxaabta...

“Hadalkii Wasiirka Ee Shalay Waxa Ka Muuqday Eex, Waxa Uu Ka Hadlay Kala Xadaynta Laydhka, Halka Uu SOMPOWER Ka Siiyay Mashruuc…………….”

Hargeysa, February 7, 2019- (Foore)- Maamulka Sare ee Shirkadda Laydhka Indha Birta (Indho Power) oo ka mid ah shirkaddaha u Waa weyn dhinaca laydhka ee ka hawlgala dalka iyo shaqaale weynaha Qaybta Laydhka ee Magaaladda Hargeysa ayaa si adag uga jawaabay hadal kasoo yeedhay Wasiirka Macdanta iyo tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal oo sheegay inay cabashadani shirkadduhu ku qotonto kala xadhayn dhinaca sharciga ah oo uu u sameeyay shirkaddaha laydhka dalka ka hawlgala.

Qoraal ay kaga jawaabayaan Masuuliyiinta Shirkadda Indhabirtu hadalkan kasoo yeedhay Wasiirka Tamarta oo ay soo gaadhsiiyeen Warbaahinta ayaa waxa ay ku yidhaahdeen sidan“Hadalkii ka soo yeedhay shalay wasiirka macdanta iyo tamarta waxaan u aragnaa mid eex ah oo uu gacan saar toos ah la leeyahay shirkadda Laydhka SOMPOWER, shalay markii uu Golaha hortaagnaa waxaa hadalkiisii ka mid ahaa Inuu shirkaddaha Laydhka Ka shaqeeya dhex u yahay oo uu kala xadeyn u sameeyay,halka shirkadda SOMPOWER uu hadda siiyey mashruuca laydhka loogu jiidayo Madaxtooyada cusub ee Galbeedka Hargeysa,laydhkaa cusub ee ay shirkadda SOMPOWER u jidayso Madaxtooyada cusub waxa ay Shaqadiisa ka bilaabeen Xaafadda Shacabka gaar ahaan meel u dhaw Guriga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland illaa haddana waxa ay marinayaan xadhkihii iyo birihii laynkaa cusub xaafadda BOQOL JIRE.Waxaaan u sheegaynaa,Madaxweyne Muuse, Goleyaasha Qaranka iyo shacbi weynaha Jamhuuriyada Somaliland in Wasiirka tamartu uu yahay laba wajiile dhinac u jan-jeedha oo aan marnaba dhex u noqon karin shirkadaha laydhka dalka”.

Waxa kale oo ay  kusii yidhaahdeen Qoraalkooda“Ka shirkad ahaan diyaar baanu u nahay in aanu u hogaansanaano shuruucda dalka iyo xukuumadaba laakiin ogolaan mayno tacadiga uu nagu hayo wasiirka tamarta jamhuuriyada somaliland. Manta oo uugu danbaysay waxaa saldhiga ibraahim koodbuur nagaga xidhnaa, shaqaalihii laydhka ee hawl maal-meedka ka shaqayn jiray”.

Dhinaca kale Shaqaale Weynaha Shirkadda indhabirta qaybta laydhka ayaa si weyn uga cawday Wasiirka Macdanta oo ay sheegeen inuu culays ku hayo oo uu Saldhigyadda ku guray iyaga oo sheegeen inuu ku beegsanayo shaqada ay u hayaa shirkadda Laydhka Indhabirta oo uu si gaar ah u culaysanayo sida ay sheegeen, waxaana hadaladooda ka mid ahaa “Cabashadii aanu ka hadlayna illaa hadda way taagan tahay, sida aad arkaysaan dhamaan Shaqaalihii way xeraysan yihiin, dhamaanba shirkadda laydhkeedii, fidintii iyo shaqadii caadiga ahayd iyo shaqaalihiiba waa laga joojiyay shaqaddii, Cidda falkaasi nagula kacdayna waa Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, Meel kasta oo aanu taaganahay oo aanu isnidhaa ka shaqeeya askari ayaa na agtaagan, Waxaanu Xukuumadda ka filaynay inay shirkaddaha shaqo abuurka wada xoojiso ee kamaanu filayn inay kuwa shaqaynaya bilaa camal ka dhigno, shaqaalahayagii jeelasha ayay ku jiraan”. Waxa kale oo hadaladooda ka mid ahaa“Markaanu dacwoono Cidi waxba kama qabato,markaanu isnidhaa Xadhig jiida waanu xidhanahayba, Ama Wasiirka Tamarta ha ahaado ama Ku Shirkadda Sompower ka shaqaynaya ha noqdee, intuba sida Xamagta ayay nagu dhagaan”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here