Maamulka Iyo Bahda Shabakadda Wargeyska Foore Oo Shacabka Somaliland Ugu Hambalyeynaya Ciidul-Adxaa

0
134

Maamulka, Howlwadeenada iyo Shaqaalaha Shabakadda Wargeyska Foore waxay hambalyo u dirayaan guud ahaan ummaddaha islaamka meel kastoo ay joogaan gaar ahaan shacabka Reer Somaliland Farxadda Munaasabada Ciidul adxaa.

Maamulka Warbaahinta Foore Waxay  ugu baaqayaan shacabka reer Somaliland iney is cafiyaan farxada munaasabada ciida awgeed ayna isku naxariistaan si ay u helaan naxariista ALLE.

“Anigoo ku hadlaya magaca dhamaan shaqaalaha, howlwadeenada shabakadda Wararka Wargeyska Foore iyo keygaba waxaan hambalyo ku aadan dhalashada bisha Shawaal iyo Munaasabada Ciidul-adxaa u dirayaa dhamaan ummada islaamka gaar ahaan shacabka Somaliland iyo muslimiinta gudanaya waajibaadka xajka oo ka mid ah shanta tiir ee Islaamka” ayuu yidhi Gudoomiyaha Wargeyska iyo Shabakadda Foore Cabdirashiid Sheekh Cabdiwahaab Sheekh Ibraahim.

Waxa Uu Cabdirashiid u rajeeyey dhammaan shacabka reer Somaliland iyo guud ahaan shucuubta islaamka meel kasta oo ay joogaan iney sanadkan kiisa kale ku gaadhaan, Guul Horumar, Nabad Iyo Barwaaqo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here