Maamulka Dugsiyada Sare Ee NUURADDIIN Oo Abaal marinihii Ugu Qaalisanaa Kaga Farxiyey Ardaydiisii Kaalmaha Ugu Sarreeya Dalka Oo Dhan Xaabsaday

0
42
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, September 29, 2018- (Foore)- Munaasibad ballaadhan oo meeqaamkeedu sarreeyo ayaa lagu qabtay xarunta Dugsiga Sare ee Nuuraddiin qaybtiisa wiilasha, taasi oo u jeedadeedu ahayd abaalmarin ballaadhan oo lagu maamuusay ardaydii dhawaan kaalmaha ugu sarreeya ka galay imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare iyo hoose/dhexe ee xafiiska Imtixaanaadka Qaranku uu ku dhawaaqay oo dugsiyada Nuuraddiin tobanka arday ee ugu sareeyey 8 (Sideed) arday oo dugsiyada sare ah ku lahaayeen iyo 2 (Laba) arday oo tobanka ugu sareeyey dugsiyada dhexe.

Xafladdan oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Boos Mire Maxamed, Guddoomiyaha Jaamacadda FFU (Franz Fanon University) Xuseen Cabdilaahi Bulxan, Suldaan Axmed Daahir, Ugaas Axmed Cali Mahdi, maamulka dugsiyada Nuuraddiin, macalimiin, kumannaan ka mid ah ardayda dugsiyada Nuuraddin, waalidiinta ardayda kaalmaha hore gashay, aqoonyahan, martisharaf kal duwan iyo masuuliyiin aad u tiro badan.

Abaal marinaha xafladdan lagu bixiyay oo dadka si weyn u soo jiitay waxa ka mid ahaa Gaadhi Nooca Verrosa ah kaasi oo lagu abaal mariyey ardaygii kaalinta (1 aad) koowaad ka galay guud ahaan imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee JSL kaasi oo ka tirsanaa Dugsiyada Nuuraddiin Cabdibaasid Cabdirisaaq Cawil, geesta kale waxa iyana ku lamaanayd abaal marino kala duwan oo la guddoonsiiyey ardaydaasi oo iskugu jiray Koombuyuutaro waaweyn, Labtobyo, Dahab noocyo kala duwan ah iyo Billad sharfyo.

Ugu horrayn waxa halkaasi ka hadlay Ismaaciil Maxamud Cakuush maamulaha dugsiyada sare ee Nuuraddiin kaasi oo ku dheeraaday dadaalka balaadhan ee ay ugu jiraan sidii ay u soo saari lahayeen arday wanaagsan oo umadda anfaca waxaanu sheegay in mudo ku dhaw 11(Kow iyo toban) sanno ay dugsiyada Nuuraddiin guulo balaadhan ka soo hooyeen oo ay mar kasta ka mid ahayeen ardayda kaalmaha hore ka gasha guud ahaan Imtixaanka Shahaadiga ah; waxaanu xusay in sannadkan u danbeeyey uu ahaa mid xusuus gaar ah leh oo kaalmo aad u badan ay galeen ardayda Nuuraddiin.

Geesta kale waxa halkaasi ka hadlay Prof. Cumar Faarax Cabdilaahi kormeeraha guud ee dugsiyada Nuuraddiin waxaanu sheegay in furaha guushu ay tahay dadaal iyo in Alle la tallo saarto waxaanu sheegay in Dugsiyada Nuuraddiin ay dadaal ugu jiraan sidii ay u soo saari lahaayeen arday ka dhisan dhan kasta si ay ula tartamaan dhigooda, waxaanu sheegay in ay ardayda Nuuradiin kaliya imtixaanka shahaadiga ah aanay guulo ka soo hoyn ee ay muujiyeen dadaalo dheeri ah oo ay kaalmaha ugu badan ku hananayaan jaamacadaha dalka iyo kuwa dibadaba.

Dhanka kale waxa halkaasi ka hadlay Sheekh Maxamed Cali Gadhle oo sheegay in Dugsiyada Nuuraddiin ay yihiin kuwo lagu aammini karo ubadka waxaanu xusay aqoonta iyo sida ay ardayda u dhisaan waxaana hadaladisii ka mid ahaa: “Ummad marka la rabo in ay horumarto waxa laga horumariyaa aqoonta, haddii la damco in la baabi’iyana waxa laga baabiiyaa aqoonta. Arday aan dhalay oo aan is lahaa miyuu baasi uun oo aan iskuulo kale la soo maray waxa aan qirayaa in markii aan keenay Dugsiyada Nuuraddiin ay ii sheegeen in aan ku aamino markii uu ka baxay ee uu galay imtixaankii shahadiga ahana (Darajada A) ayuu ku baxay waana Alle mahadii waxaanay taasi ku tusaysaysaa aqoonta iyo dadaalka yaalla Dugsiyada Nuuraddiin’’ ayuu yidhi Sheekh Maxamed Cali Gadhle.

Suldaan Axmed Daahir oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan dhamaan ardayda kala duwan ee ku guulaysatay imtixaanka shahaadiga ah gaar ahaan ardayda kaalmaha sare galay kuwaasi oo noqday kuwo sameeyey guulo ay ku muujinayaan dadaalkii, tacabkii iyo aqoontii ay soo wadeen, waxa kale oo Suldaan Axmed Daahir sheegay in Dugsiyada Noradin ay ka muuqato akhlaaq wanaagsan oo ay da’yarta ku barbaariyaan.

Wasiirrada Diinta Iyo Awqaafta iyo Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed Iyo Boos Mire Maxamed oo madasha ka hadlay ayaa si isku mid ah u xusay in Dugsiyada Nuuraddiin ay ku suntan yihiin aqoon iyo akhlaaq wanaag taasi oo ay hormuud u yihiin sida ay sheegeen maamulka Iyo macalimiinta oo dadaal dheeri ah galiyey sidii ay u soo saari lahayeen arday aqoon iyo akhlaaq wacan leh.

Aqoonyahan Cabdikariin Axmed Mooge oo isna xafladda ka hadlay ayaa ardayda ku booriyey in ay dadaalkooda sii wadaan si loo helo arday wanaagsan oo mustaqbalka dhaw wax weyn ka baddala Somaliland si ay ula jaan qaadaan wadamada horumaray waxaanu halkaasi uga duceeyey ardaydii kaalamaha hore ka gashay imtixaanka shahaadiga ah kaasi oo uu ku tilmaamay in ay dadaal iyo tacab halkaasi ku soo gaadheen waxaanu si gaar ah ugu hambalyeeyey ardaygii guud ahaan dalka oo dhan imtixaanka shahaadiga ah ka galay Cabdibaasid Cabdirisaaq Cawil.

Gebo-gebadii waxa halkaasi ka hadlay Prof. Xuseen Cabdilaahi Bulxan Guddoomiyaha Frantz Fanon University oo ardayda ku booriyey in ay tahay in ay muujiyaan dadaal waxaanu halkaas ka sheegay ahmiyada ay leedahay aqoontu iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay waxaanu sheegay in aqoontu ay meel kasta ku gaadhsiin karto. Waxa uu ku dhiiri galiyey dhammaan ardaydii imtixaanaadka ku guulaystay iyo kuwa helay deeqaha waxbarasho ee dibada oo dhan 24 (Afar iyo labaatan Arday) oo ka helay deeqo waxbarasho oo kala duwan waddamada Turkey, Malaysia iyo Italy.

Ugu danbayntii waxa halkaasi lagu guddoonsiiyey ardayda kaalamaha hore ka gashay imtixaanka shahaadiga ah ee  dhawaan lagu dhawaaqay oo sannadkan ay dugsiyada Nuuraddiin guulo ballaadhan ka soo hooyeen kuwaasi oo la guddoonsiiyey abaalmarino kala ah: (Takhammo Dahab ah, Gaadhi nooca Verrosa ah oo Number kii ugu danbeeyey ah, koombuyuutaro, billado iyo waliba Shahaado sharafyo). Waxaanay xafladdaasi ku soo dhammaatay jawi aad u sarreeya.

Daawo Sawirrada Xafalladda:

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here