Maamulayaasha Dugsiyada Gaarka Ah Ee Dalka Oo Mawqif Adag Ka Qaatay Fasax Kordhintii Wasaaradda, Sheegayna In Dugsiyada Dib Loo Furi Doono Sabtida

0
84
Lawadaag Asxaabta...

“Waxbarashada Gaarka Ahi Waa Tii Ubadka Oo Dhagaxaan Iyo Daasado Ku Fadhiya Wax Soo Bartay,…”……..Maamule Maxamed Aadan Askar  

Hargeysa, August 02, 2018- (Foore)- Maamulayaasha Dugsiyada Gaarka Loo leeyahay ayaa si adag oo cilmiyaysan waxa ay u naqdiyeen Go’aankii dhawaan ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ee ay dub ugu dhibtay fasax sannadeedkeeda ee ay dub ugu riixday muddo hal bil ah oo ay ka dhigtay 1-da September waxaanay sheegeen in go’aankaasi aanu ahayn mid danta iyo dalka dadka toona loo eegay kana hor imanaya go’aankii ay Hore wasaaraddu fasaxa sanadka ugu muddaysay 1-da August in la soo noqdo iyaga oo sheegay in go’aankani uu gabi ahaanba wiiqayo habsami u socodkii waxbarashada Somaliland dhinacoodana aanay aqbalayn.

Maamulayaasha Dugsiyada Gaarka ah ee Caasimadda Hargeysa kulankoodan waxa ay si weyn ugu qaadaa dhigeen doorka udub-dhexaadka ah ee ay Dugsiyada gaarka ahi ku leeyihiin waxbarashada dalka iyo sida ay shacabka Somaliland ugu adeegayeen tan iyo markii dalka lagu soo laabtay. Kuna soo saareen kumannaan iyo kumannaan dhallinyaro ah oo maanta dalka iyo dibaddaba waxbarashadoodii ku anfacay.

Kulan ballaadhan oo ay isugu yimaaddeen Maamulayaasha Dugsiyada gaarka loo leeyahay waxa ay si weyn uga biyo diideen go’aanka Wasaaradda waxaanay ku garnaqsadeen in go’aankaasi aanu marnaba ku disnayn maslaxadda waxbarashada walina aanay fahmin wax looga jeeday iyaga oo ku taliyey in degdeg xukuumaddu uga noqoto go’aankaasi oo Ardaydu ku laabtaan tacliintoodii.

Xubin ka mid ah Guddida Dugsiyada gaarka ah u saareen arrinkan oo ka socday Kormeerka Dugsiyada Nuuradiin ayaa waxa uu madasha shirka ka akhriyey qoraalka ay ku garnaqsanayaan ee ay wasaaradda u direen iyo jawaab wayd ah oo wasaaraddu ku soo celiyey. Masuulkan ayaa waxa uu yidhi: “Annagoo ah dhammaan maamulayaasha dugsiyada gaarka ah ee jamhuuriyadda Somaliland isla mar ahaantaana tixraacayna wareegtada agaasimaha guud ee summadeedu tahay MoE/DG/04/295/18, kuna taariikhysan 25-07-2018, taas oo ujeedadoodu ahayd in dib loogu dhigo furitaanka sannad dugsiyeedka 2018/2019 bisha September ee soo socota . Waxaanu cabasho ka qabnaa wareegtadaas sababahan hoos ku qoran awgood:

  1. In wasaaraddu nagu wargelisay bilawgii sannad dugsiyeedkii 2017/2018 in uu yahay furitaanka sannad dugsiyeedka cusubi( school calender year) 01-august-2018, sidaana lagu wargeliayay dhamaan ardayda, waalidiinta iyo shaqaalaha.
  2. In waqtiga ay wareegtadu soo baxday uu ahaa waqti aan ku haboonayn oo uu taagan yahay furitaankii sannad dugsiyeedku sida ku cad calender-ka wasaaradda.
  3. In bishaa laga jaray sannad dugsiyeedka ay ka go,antahay saacadaha waxbarasho iyo dhamaystirka manjajka iyadoo siyaasadda dawladuna ay tahay tayanyta waxbarasha.
  4. Iyadoo fasaxaas dheer aanay dani ugu jirin ardayda iyo waalidiintaba.
  5. Iyadoo iskuulada gaarka ah ay ka hawlgalaan shaqaale aad u farabadan dhaqaalahooduna uu ku tiirsan yahay fee-ga laga qaado ardayga.
  6. Iyadoo ay jiraan kharashaad farabadan oo ku socda dugsiyada gaarka ah sida kirooyin, mushahar shaqaale , laydh, biyo IWM.

Gabagabo: hadaba mudanayaal anagoo ixtiraamayna go,aanka ka soo baxay wasaaradda waxaanu idiin cadaynaynaa duruufaha kor ku xusan awgood in aanaan qaadi karayn culayska ka imanaya hirgelinta wareegtadadaas. Sidaa daraadeed waxaannu codsanaynaa in arintaas dib u eegis degdeg ah lagu sameeyo”.

Warqaddaasi aanu dirnay wasiirku waxa uu soo saaray qoraal uu kaga jawaabayo oo uu laba qodob ku soo gabogabeeyey. Qodobka koowaad waxa nuxurkiisu ahaa wasaaraddu hawlo muhiim ah ayay qabanaysaa bishaa fasaxa lagu daray ee siddeedaad.  Laakiin ta aanu fahamnay waxa uu ahaa qodobka labaad oo ah ardaydu waxa ay u baahan tahay fasax dheer si maskaxdoodu si maskaxdoodu ugu diyaar garawdo waxbarashada sidaa darteed waa la garan karaa markaa wareegtadayadaasi wixii aanu ku qornay iyo jawaabtaa wasaaraddu in aanay ahayn wax is le’eg. Waxa aanu go’aan ku gaadhnay haddii aanu nahay dugsiyada gaarka ah mar haddaanu caddaynay in dugsiyadii la gali doono afarta Bisha August oo ku beegan Sabtida soo socota”.

Hadalkaa masuulkan kadib waxa madasha iyana ka hadlay dhawr xubnood oo ku hadlay afka maamulayaasha Dugsiyada gaarka ah ee Caasimadda Hargeysa waxaana ka mid ahaa Maxamed Aadan Askar oo ah Maamulaha guud ee Dugsiyada Al Irshaad waxaanu yidhi:

“Maamulayaasha iyo Aqoonyahanka maanta halkan fadhiyaa waa dadkii markii la liitay ee la qaxay iyo markii la soo noqdayba ubadkeenii ururiyey ee waxbaray weeyo. Waa kuwii geed hoostii wax ugu dhigayay ee meel hoose ka soo bilaabay tacliintaa aan maanta ku faanayno. Waa kuwii ubadka wax ku soo baray iyaga oo ubadku ku fadhiyo daasado iyo dhagaxaan. Maanta wax la og yahay oo la arkayaa horumarka waxbarasho ee ay dalka u keeneen Dugsiyada gaarka ahi. dhibaatada dhaqaale ee ay dalka ku keenayso arrintan ay wasaaraddu qaadatay waa mid weyn oo aan la soo koobi karayn. Waxa kaaga filan waxa jira intaasoo bas oo dadkii lahaa u diyaariyey bishan in ay ka hawl galaan dugsiyada oo daymo qaatay oo baabuurtoodii dib u diyaariyey. Shaqaalaha yar iyo weyn ee dugsiyada waxbarashada ka hawl galaa dhammaantood cashuur bay dawladda siiyaan. Qof kasta oo macalin ah 6% ayaa laga qaadaa. Maxaad u malayn inta danyar ah ee sifo uga shaqaysata, inta u soo nolol doonata ee siyaalo kala duwan wax uga hesha dugsiyada gaarka loo leeyahay”. Ayuu Yidhi Aqoonyahan Maxamed Aadan Askar, maamulaha guud ee Dugsiyada gaarka loo leeyahay.

Waxa kale oo iyaguna shirkaasi ka hadlay Maamulayaasha Dugsiyada Alkhayr, Salaam iyo kuwo kale oo dhammaantood sheegay sida aanu go’aanka wasaaraddu uga turjumayn maslaxadda waxbarashada dalka kuna adkaystay in ay Sabtida dib u furayaan oo ardaydu ku soo laaban doonaan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here