Maamul Goboleedka Puntland Oo War Culus Ka Soo Saaray Xildhibaanada Cusub Ee Loo Dhaariyay Jubbaland (Aqriso)

0
53

Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa u hambalyeysay xildhibaannada cusub ee baarlamanka Maamul Goboleedka Jubaland oo Shalay lagu dhaariyay magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulkaasi.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay hannaanka ay ku socoto doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Jubaland, waxaana Puntland ay rajo wanaagsan ka muujisay in doorashada Jubaland ay u dhacdo sida loo qorsheeyay fara-gelin la’aan.

Waxaa kale oo dowladda Puntland ay guddiga doorashooyinka Jubaland ku dhiirri-gelisay in ay doorashada u qabtaan si daah-furnaan ah, ayada oo shacabka iyo dowladda Jubaland ku amaantay sida isku duubnida leh ee ay uga gudbayaan marxaladda doorashada iyadoo guul u rajaysay.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here