Ma Ogtahay Muwaadin In Miisaaniyadda Madaxtooyadu Ka Badan Tahay Miisaaniyadda 12 Wasaaradood,- Halkan Kaga Bogo Lafa-gur Cilmiyeysan Iyo Miisaaniyadii Sanadka 2018

0
526
Lawadaag Asxaabta...

Gudaha Ka Eeg Farqiga Miisaaniyada Madaxtooyada Iyo Ciidamada Booliska, Socdaalka Iyo Ilaalada Xeebaha (Mustafe C/raxmaan Habane)

Waxay isticmaalan, shidaal, biyo iyo dawooyin kale oo loo isticmaalo bakhtiinta dababka kala duwan, hadda miisanayadoodu badhna kama ah tan Ciidanka Ilaalad Maxadtooyada oo shaqadood tahay ilaalin goob aan ka badanay 1 km. dhanka kale ciidanka deb-damiska iyo laanta socdaalkaba miisaniyadooda waxa ka badan tan ciidanka ilaaladda madaxtooyada.

Xafiiska Madaxtooyada oo miisanaydiisa 2017-ka shacbi-waynaha iyo culimadda ka faaloota arrimaha dhaqaaluhu ay la yaabanaayeen xaddiga ay le’egtahay miisanayadiisu iyo qorshe la’aanteda aan keenin natiijo muuqata oo wax-qabad, waxay dhammayd 56,534,978,865  SL/shilling.

Sannadka 2018-ka  Miisaniyadda Xafiiska Madaxtooyaddu waxay dhan tahay 120,671,383,042 SL/Shilling, taas oo laba jibaarkeedii kabadan tii hore, isbadalka xagga xafiiskana hadday noqoto, wasiir madaxtooyo ma jiro, shaqaalihii madaxtooyaddana tiro-dhimis badan ayaa lagu sameeyay. Se miisanayaddu koradhkeedu ma aha mid macquula, waayo, xafiiska madaxtooyada Jamuuriyadda Somaliland wuxuu ka badanyahay miisanayadda Ciidanka Policka JSL.

Sidoo kale waxaa in la xuso  mudan  miisaniyadda xafiiska madaxtooyadu inay ka badantahay isku gaynta miisaniyadda wasaaraddaha hoos ku xusan oo shaqo muhiima u haya Qaranka Jamuuriyadda Somaliland. Wasaaraddahaas oo wadartoodu dhan tahay 12 wasaaradood.

Wasaaradda Cadaaladda & Garsoorka. 6,528,301,760
Wasaaradda Hawlaha Guud,Dhulka & Guriyaynta 9,368,639,427
Wasaaradda Shaqagalinta, A. Bulshada & Qoyska 9,850,661,762
Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada. 11,620,355,184
Wasaradda Xidh Golayaasha  iyo Arimaha Distorka 6,277,580,288
Wasaarada H. Maalgashiga 4,488,067,648
Wasaaradda Macdanta & Tamarta. 6,956,328,344
Wasaaradda Degaanka & Horumarinta Reermiyiga 12,763,932,016
W.Qorshaynta & Horumarinta Qaranka 10,858,961,824
Wasaaradda Diinta & Awqaafta. 5,007,952,864
Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska 15,350,244,862
Wasaaradda H. Biyaha 15,572,815,976
Waddarta Guud 114,643,841,955

Wasaaraddahan waxaa ka mida sidaad ku aragtaan shaxankan sare, Wasaaradda Horumarinta Biyaha, taaso muddadii 10-kii sano ee la soo dhaafay aan gaadhin hadafkeedii ahaa in Somaliland magaalo walba hesho biyo nadiifa, sidoo kale waxaa hadaf gaara u ahaa xukumadihii KULMIYE in Magaalo Madaxda Jamuuriyadda Somaliland ee Hargeisa ay biyo ku filan hesho, taasoo markii dambe isku baddashay hadal hayn kali ah oo la yidhaa mashruuca xunbo-wayne, oo ahaa dhallaan-habaabis, balse shacabka Somaliland niyad jab iyo warwar ku beeray.  Wasaaradaha kale ee halkan ka muuqdaa maaha kuwa doorkooda  iyo bahidooda aan ku xusi karno maqaal iyo laba toona, waa kuwo muhiimaddooda iyo waxtarkooda leh, haddii hogaan fiican loo doorto, maaliyad ku filana loo qoondeeyo.  Haddaba shaxankan hoose aan fiirino, kaasi oo ina tusinaya natiijada isbarbar-dhiga iyo faraqa u dhexeeya Miisaaniyadda 12 Wasaradood iyo xafiiska madaxtooyada.

Haddaan xagga horumarinta, Ciidamada kala duwan aan bar-bardhigno miisaaniyadahooda xafiiska madaxatooyada iyadan waa arrin aan u cuntamayn muwaadinka iyo geeddi-socodka horumarka dowladnimo ee Somaliland.

Ciidanka booliska, Ciidanka Ilaaladda Xeebaha iyo Ciidan Socdaalka, Miisaniyadooda oo la isku geeyay waxay dhantahay 137,407,116,785 SL/Shilling Halka waddar miisanayadda Madaxtooyaduna ay dhantahay 145,927,010,026 SL/Shilling.  Faraqa u dhexeeya waxaad ka arki kartaa shaxankan hoose:

Haddaba aan iswaydiino, suaalo u baahan in caqliga muwaadinku ka fikiro, waydiimahooda, maxay sobobta miisanayadda xafiiska madaxtooyadu uga badantahay 12 wasaaradood shaqooyin kala duwan qaranka u haya, shaqadooduna midba midka kale ka mihiimsantahay, se maxay tahay ujeedada sanadkan miisaniyadda madaxtooyaddu uga badantahay wadarta miisaniyadda Ciidanka Booliska, Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo Ciidanka Socdaalka.

Maxay shaqada madaxtooyada taalla iyo shaqaalaha jooga ee ku shaqaynaya miisanayadda ka badan 12 wasaradood.

Waa layaabe xafiiska madaxtooyada ma waxa ka shaqeeya shaqaale kumanaan qof ah, mise waa kayd. Waxa xaqiiqa ah in lacagta xad dhaafka ah ee xafiiska madaxtooyadu magaaladda Hargeisa biyo la’aanta ka caawin lahayd haddii loo qorshayn lahaa amaba ay abuuri karto mashaariic shaqo abuur sida warshado yar yar oo ka qayb qaata kobaca dhaqaalaha dalka, intaa midna dowladdu uma qorshaynayso, haddaba waxa is waydiin leh lacagtani halkee ayay maraysaa, su’aalahan waxaan si faah faahsan ugu sharraxi doonaa qaybaha kale ee qoraalkeena.

Mr. Mustafe A. Habane

M.A Governance and leadership

 Somaliland , Hargeisa 

Sha’ab Area /+252-634404520 +252-65-9777731

 mustafe107@gmail.com.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here