M/Muuse Biixi Oo Markii U Horaysay Ka Hadlay Shirkii Nabadaynta Ceel Afweyn Iyo Dhacdooyin Yaableh Oo Ku Lamaan Iyo Jaamacadaha Oo Uu Ka Dalbaday Inay Baadhan

0
80
Lawadaag Asxaabta...

Boorama, August 06, 2018- (Foore)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horaysay ka hadlay qaabkii uu u qabsoomay iyo Go’aamadii kasoo baxay Shirkii Nabadaynta beelaha Walaalaha ee wada dega deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sool ee Somaliland,Waxa uu sidoo kale ka sheekeeyay shirar nabadayn ah oo ka horeeyay shirkan oo buray iyo dhacdooyin cajiib ah oo ku lamaanaa, Waxaanu Jaamacadaha ugu baaqay inay baadhis Cilmiyeed ka diyaariyaan arimaha dagaalada beelaha ee soo noqnoqda oo uu sheegay inay Carqalad ku yihiin Qaranka iyo guud ahaan geedi socodka Horumarka dalkaba.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa hadaladan ku soo qaatay Khudbad dhinacyo badan taabanaysay oo uu Shalay ka jeediyay Xaflad Qalin jabin ah oo uu kaga qayb galay Jaamacada Camuud ee ku taala Magaalada Boorama,waxaana hadaladiisan uu kaga hadlay shirka Ceel Afwey ka mid ahaa sidan “Arinta Ceel Afweyn,Waa laba reer Oo shan boqol oo sanadood isku dhafnaa,oo wada dhashay,oo caano iyo biyo isku ahaa,Fidmo ayaa ka dhex hurtay,shan jeer in kabadan ayay isku dhaarteen,tuulooyin dhan ayaa la dumiyay,Masaajid Qudha ayaa ka taagnaa oo laga reebay,kiina isagoo la dumiyo mooyee heshiin mayno ayaa la yidhi, Waa la dumiyay,wali taariikhda Gaal iyo Islaam laguma arag wax masaajid Cagaf galiya,way degi wayday, Dhibaato dhiig bax ah oo Qaranka ah ayay noqotay,saddex Boqol oo Ciidan ah ayaa jooga, labaatan Tikniko ku dhaw ayaa joogga,waa dhul bannaan oo laba boqol Oo mitir dhan walba u ah,oo kolba meel ayay iskaga duulayaan”.

Waxa uu sidoo kale yidhi: “Waxaan u diray Qaylo dhaan Somaliland oo dhan, Sheekh, Suldaan, Siyaasi, Aqoonyahan iyo cid kasta oo la tuhmayo,yaa Gudoomiyihii loo doortaabaa la yidhi, Laguma murmin,ina sheikh Cali Jawhar ayaa la yidhi,kaw iyo labaatan cisho ayay fadhiyeen,markii loo maare waayay,ee Salaadiintii,iyo Cuqaashii,gartaasi ayaanu qaadnay,way socon wayday ay noqotay,ayaa la yidhi Culimadda Halkaasi ula baxa Kitaabkiina,kaw iyo toban cisho ayay fadhiyeen,waxa ay xukumeen Intaasi oo geel ah,oo ah kii wal ee dhintayba hala siiyo Magta Qoyskiisii, awal may gaadhi jirin Qoyska laakiin imika waxa la go’aamiyay inay gaadho Agoontii”.

Ugu dambayn waxa uu yidhi: “Waxaan leeyahay dhibaatooyinkaasi waa carqaladaha Qaranka haystee jaamacaduhu haka galeen Baadhis (Research), oo si cilmiyan ah aan u darisno oo aynu ka baxno,dee ninkii Gacan ku dhiiglaha ahaa ayaan la qabanayn,wax buu dilayaa,Dawladda ayaa la odhanayaa soo qabta, laba boqol oo ilmaadeeradihii ah ayaa hareeraha ka jooga,haddii aad khasaare badan gashana waxaa lagu odhanayaa Dawladu miyay waalatay,hadana waxay ku odhanayaa soo qabo,markaa waa inay dadku wacyigalin qabaan,oo ay yidhaahdaan waar dambiile ayaa tahee naga dhex bax, ama iyagu soo qabtaan,waa inaan heerkaasi gaadhnaa,heerkaasina waxaa gaadhsiin kara Jaamacadaha,iyo dadka aqoonta leh oo arintaasi iskugu taga”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here