Luis Suarez Oo Ku Digtay Real Kadib Guul-darradii Ay Ajax Xalay Badday!!

0
131

Weeraryahanka reer Uruguay Luis Suarez ayaa ka mid noqday shaqsiyaadka baraha bulshada kaga falceliyay guuldaradii Real Madrid kusoo gaartay Santiago Bernabeu ee sababtay iney gabi ahaan isaga haraan koobka Champions League.

Xiddigii hore Liverpool sidoo kalana mar kasoo mid ahaa kooxda Ajax ayaa twitter-ka taageero ugu muujiyay kooxda reer Holland, wuxuuna qof walba u sheegay inuu mar walba taageero u yahay isla markaana ku faraxsan yahay wixii ay sameeyeen.

“Hambalyo, waligey ayaan ahaa taageero Ajax” ayuu yiri Suarez oo waqti dahabi ah kusoo qaatay magaalada Amsterdam ka hor inta uusan usoo guurin horyaalka Premier League.

Los Blancos waxey ku jirtaa waqtigii ugu adkaa sanadahii ugu dambeeyay, waxeyna muddo yar kula kulantay dhibaato baahsan maadaama laga reebtay tartamada Copa del Rey iyo Champions League, sidoo kalana quus laga istaajiyay La Liga maadaama 12-dhibcood ay ka hooseyso kooxda ay sida ba’an u xifaaltamaan ee Barcelona.

Real Madrid 1-2 guul ah ayey soo gaareen kulankii lugta hore, waxeyna aheyd kooxda mar walba ah midda ugu cad-cad, balse 1-4 ayaa loogu badalay lugtii labaad iyadoo Vinicious Jr iyo Lucas Vazquez ay dhaawacyo uga baxeen qeybtii hore kulanka.

Ajax waxey u gudubtay quarter final-ka tartanka Champions League markii ugu horreysay tan iyo 2003, sidoo kalana waa markii ugu horreysay oo ay kooxdaan guul gaarto kulan bug-bax ah tartanka Champions League muddo 22-sano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here