Layaabka Todobaadka: Masuul Xukuumadda Somaliland Ka Tirsan Oo Hambalyo Kal Iyo Laab Ah U Diray Gabadhii Soomaali Qoomuluudka Ahayd Ee Doorasho Dalka Maraykanka Ka Dhacday Ku Soo Baxday.

0
151
Lawadaag Asxaabta...

“Guusheedu Waxay Farriin Togan U Tahay Dhammaan Ummada Soomaalida Ah Inay Codkooda Iyo Cududoodu Caalamka Ka Shaqeeyo,Hambalyo Ayaan leeyahay” Safiir Baashe Cawil

Hargeysa(Foore) – Safiirka somaliland u fadhiya dalka Kenya Baashe Cawil Cumar ayay kasoo yeedhay arin layaab ku noqotay Umadda Soomaaliyeed ee sida fiican u fahamsan Gabadha asalkeedu yahay Soomaaliga ee u ololaysa Nidaamka Qoomuluudka taasi oo si waadax ah markii ay Doorashada ku guulaysatay u shaaciyay inay Nidaamkaasi ugu adeegayso Guushaasi ay gaadhay iyo Xilkaasi.

Amb Baashe Cawil oo qoraal uu ka hadlayo amuurahn ku baahiyey bogiisa Facebook ayaa waxa uu yidhi “Waxaan hambalyo u dirayaa ILHAN OMAR oo noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliyad soo galooti ah ee loo doorto Aqalka Hoose ee Congress ka dalka Markaykan. Guusheedu waxay farriin togan u tahay dhammaan ummada soomaalida ah inay codkooda Iyo cududoodu caalamka ka shaqeeyo.  Qofka kasta oo soomaali ah deegaanka uu doono ha ka soo jeedee ee xaqiijiya guulaha mar la araga ku ah dunidu, waxay Mudan yihiin ku dayasho iyo hambalyeyn. waxaa na muhiim ah in la kala fahmo Soomaalinimada Iyo dawladnimadu waa labo arrin oo kala Madax bannaan, qofka soomaaliga ahi libintiisa lagu ma doodsiin karo dawladdaas ayuu ka soo jeedaa ama deegaankaas.

Ugu dambayntii aragti ahaan waxaanu aaminsan nahay cod dheer na ku sheegaynaa waxaanu ku faanaynaa soomaliga Kenya jooga ee xaqiijiyay guul uu dadka kale kaga muuqdo, soomaaliga Ethiopia jooga ee xaqiijiya guul taas la mid ah, Soomaliga jooga North America, Jabuuti, ee xaqiijiya guul wax ku ool u ah, Iyo dhammaan qofkasta oo sinjigiisu Soomaali yahay ee jooga dunida jooga oo xaqiijiya guul waanu Hambaleynaynaa.

“Ma ihi Sinji diid ee Soomaali weyn nimo diid ayaanu nahay.  Waxaan ahay Soomaali, sidoo kale na ah Somalilander ka Madax bannaan Somalia, oo ogol in la noqdo laba Dawladdood oo walaalo Iyo wehel iskaga ah dunida xaalad adag Iyo mid fududba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here