Layaabka Dunida- Waddan Guuxa Diyaaradaha Dagaalka U Adeegsanaya In Uu Dadkiisa Ugu Toosiyo Suxuurta

0
254

Jakarta (Foore)- Wakhtiga Lagu guda jiro gudashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan wada ay shucuubta Muslimka ah ee dunida ku nooli leeyihiin caadooyin iyo hab-dhaqanno u gaar ah oo aanay kuwo badani wadaagin. Tusaale ahaan qaabka ay Suxuurta isugu toosiyaan, cunnooyinka ay ku afuraan, qaababka ay u wayneeyaan Bisha iyo arrimo kale. Waxa haddaba wax lala yaabo noqday waddan Muslim ahi in uu ku dhawaaqay in uu diyaarado u adeegsan doono wakhtiga suxuurta si uu dadka ugu kiciyo.

Ciiddamadda cirka ee waddanka Indoneesiya ayaa ku dhawaaqay inay ka qayb qaadan doonaan dhaqanka soo jireenka ahaa ee dalkaasi ee dadka suxuurta loogu kicinayo inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Ciddamada cirku waxay bartooda twitterka ku sheegen in tababarka diyaaradaha dagaalka lagu sameyn doono magaaloyiin dhowr ah oo ku yaalla jasiirada Java ee dalkaasi, waxayna ka magacaaben Surabaya oo ku taala Java-da bari, Surakarta, Klaten iyo Sragen oo iyaguna ku yaala bartamaha Java iyo sidoo kale Yogyakarta.

“Awoodda Alle, waxaanu dhaqan-galin doonnaa dhaqanka ah in aan dadka u toosinno suxuurta annaga oo adeegsanayna diyaaradaha dagaalka,” ayaa ay twiterta ku sheegeen.

Afhayeenka ciddamada cirka Col. Sus M. Yuris, ayaa sheegay in howlgalkani aanu ahayn oo keli ah in dhaqankii la ilaaliyo balse in la xaqiijiyo in ciddamada cirka aanay samayn wax tababar ah bisha Ramadan.

Aroorti ayaa ah wakhtiga ugu wanaagsan ee duuliyeyaasha diyaaradaha dagaalku ay duulimaad sameyn karaan, sida ay qabaan khubarada caafimaadka oo walaac ka muujiyay in duuliyeyaashani ay galaan tababar wixii ka dambeeya tobanka aroornimo, xilligaasi oo sonkorta dhiigga dadka sooman ay billowdo in ay aad hoos ugu dhacdo.

“Duuliyeyaasha diyaaradaha dagaalka uma wanaagsana in ay diyaarad wadaan, marka uu hoos u dhaco heerka sonkorta dhiigoodu,” ayuu yidhi Sus oo uu soo xigtay wargeyska kompas.com.

Xilliyada suxuurta ayaa diyaarado dagaal oo joog hoose ku duulaya waxa ay qabsan doonaan hawada dalkaasi waxaana duuliyeyaasha laga doonayaa in ay adeegsadaan qalab ku rakiban matoorka diyaaradda oo bixinaya guux aad u xooggan si ay dadka hurdaa fadhiga uga booddaan oo ay suxuurta ugu kacaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here