Layaabka Dunida: Jasiirad Ubadkii Yaryaraa Ee Ku Noolaa Nolosha Ka Quusteen Iyo Sababta Qisadani Ku Dhacday!

0
121
Lawadaag Asxaabta...

Nafta oo la iska gooyo iyo falal argagax leh oo waxyeello ku ah nafta ayaa sii cakiraya xaaladda caruur qaxooti ah oo ku rafaadsan jasiiradda Nauru, kuwaas oo ku sugan xaalad lagu tilmaamay “dhibaato caafimaad oo dhanka maskaxda ah”. Waana mid ka mid ah dhacdooyinka xanuunka badan ee wakhtigan warbaahintu ka soo warranto ee dunida ka taagan marka laga reebo malaayiin caruur ah oo ku rafaadsan dalalka ay colaaduhu halakeeyeen sida Suuriya, Yemen iyo dalal kale oo maalin walba ubad yaryar oo aan waxba galabsani ugu le’daan.

Dalkan yar ee jasiiradda ah, ee jaarka la ah Australia ayaa waxaa ragaadiyey dhibaatooyin iyo gabood-fallo la xidhiidh xuquuqda aadanaha.

Balse barnaamijyo saxaafadeed oo taxane ah ayaa diiradda saaray xaaladda sii xumaanaysa ee da’yarta kunool jasiiiraddan kuwaasi oo lagu sheegay kuwo xaaladoodu aad u culus tahay oo u baahan gargaar bani aadamnimo oo dhinaca nafta iyo maskaxdaba ah. Louise Newman oo ah dhakhtar wax ka dhigta Jaamacadda Melbourne ee dalka Australia taas oo la shaqaysa qoysaska iyo caruurta Jasiiraddaas ayaa sidan tidhi: “Waxaan ku aragnay hab-dhaqan ismiidaamin ah caruurta ay da’doodu u dhaxayso 8 jir ilaa 10 jir”

Australia ayaa ka hortagta dadka magan-galyo doonka ah iyo kuwa qaxootiga ah ee doonaya in ay doonyo ku yimaadaan xeebeheeda. Waxay ku adkaysanaysaa in aanay oggolaanayn in ay dib u dajin ka helaan Australia, sidaas darteed sannado badan ayay kharash ku bixinaysay xarumo dadka lagu hayo oo sigaar ah loo maamulo oo kuyaal jasiiradaha Nauru iyo Papua New Guinea.

Kooxaha caawiya qoysaska ku sugan jasiiradda Nauru ayaa soo gudbiyey sawirro naxdin leh oo la xidhiidha caruurta ku nool Jasiiraddaas. Qaar badan ayaa noloshooda ku qaatay xabsi, iyagoo aan garanayn waxa ay ku dambayn doonaan. Dhibaatada lasoo daristay, oo ay u weheliso duruufta adag, ee mar marka qaar khatarta badan ayaa qayb ka ah in ay nolosha ka quustaan. Qaarkoodna waabay is dilaan oo naftooda haligaan. Xarumaha xuquuqal insaanka ayaa ku baaqay in ubadkan la geeyo Australia oo ay dalbanayaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here