Layaabka Dunida: Dhakhtar Nolosha Ku Aasa Bukaannadiisa Daaweynta Loogu Keeno Iyo Dalka Ay Ka Dhacday Qisadani

0
129
Lawadaag Asxaabta...

Dhakhtar ku takhasusay cudurrada dhimirka, ayaa nolosha ku aasa bukaannadiisa inta lagu guda jiro daaweynta sidaa darteed waxaa la sheegay inay dareemayaan inay nool yihiin. Dhakhtarkan oo lagu magacaabo Andrey Zhelvetro, ayaa bukaanada loo keeno ee qaba cudurka dhimirka waxa uu ku ridaa naxash kahor inta uusan aasin arrintaas oo la sheegay in qeyb ka tahay daaweyntiisa.

Falalkaan aan caadiga ahayn ee uu dhaqtarkani ku dhaqaaqay ayaa waxaa ogaaday qof kamid ah dadka xaafadda oo goob keyn ah ka helay 12 naxash oo aanay waxba ku jirin oo la dhigay keyn u dhow caasimadda dalka Ukraine ee Kiev. Qofkan kamidka ah dadka deegaanka ayaa waxa uu sidoo kale helay boqollaal xabaalood oo cusub oo goor dhow la qoday, isagoo si deg deg ah ugu yeedhay booliiska.

Booliiska ayaa waxa ay bilaabeen inay baadhaan falkan waxaana uu baadhitaankoodii la galay dhakhtar Zhelvetro, oo qirtay in naxashyada uu u isaga u isticmaalay daaweynta dadka dhimirka qaba. Waxaa la sheegay in dhaqtarkani uu sidoo kale keynta geeyay 12 bukaanno ah isla markaana illaa laba saacadood uu nolosha ku aasay. Muuqaal uu duubay Dhakhtar Zhelvetro, isla markaana uu usoo bandhigay qorshe xayeysiin ayaa muujinaya bukaanadiisa oo daaweynta yaabka leh maraya.

Muuqaalka ayaa waxaa ka muuqanaya naxash la galinayo qabri cusub oo kadibna lagu aasayo, nin shaati cad ayaa la arkayaa oo la galinayaa naxashka kahor inta aan la aasin. Zhelvetro ayaa yidhi: “Waxaan sannado kahor abuuray daaweyntan, waxaan ahay qofkii ugu horeeyay ee bilaaba, tani waa tababar kaa caawinaya inaad dareentid inaad nooshahay,”.

Mid kamid ah bukaannada oo nolosha lagu aasay ayaa yidhi “Markii aan kasoo baxay naxashka, waxaan dareemay inaan noqday qof cusub oo kale, layaab ayay lahayd,”.

Mar wax laga waydiiyey sababta uu sidan u yeelayo ayaa dhakhtarkani waxa uu sheegay in ay tahay farsamo daawo ah oo uu ku daawaynayo dadka dhimirka qaba ahna xeelad u gaara ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here